“Waan Ku Farxi Doonaa Haddii Uu Nagu Soo Biiro, Isagu Waa Guuleyste” –

Hormoodka kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday sida uu ula dhacsan yahay weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud.

Weeraryahanka Chelsea ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhaw yahay heshiis uu ugu wareegayo Rossoneri waxaana la sheegayaa inuu ku faraxsan yahay inay iska garab ciyaaraan Ibrahimovic.

Ciyaaryahanka Swede-ka ah ayaa sidoo kale ka hadlay suurogalnimada uu kooxda qaab xor ah ugaga tagi karo goolhaye Gianluigi Donnarumma kaas oo ay xiisaynayaan PSG, Barcelona iyo Chelsea.

Ibrahimovic ayaa Donnarumma ku sheegay inuu yahay goolhayaha ugu wanaagsan dunida isla markaana haddii kooxda uu joogo uu sida halyeey Paolo Maldini oo kale ka noqon karo.

“Donnarumma ayaa bilaash ku tagaya miyaa?, isagu waa goolhayaha ugu wanaagsan dunida, i aamin isagu Paolo Maldini cusub ayuu ka noqon karayay Milan” ayuu ugu horreynba yidhi Ibra.

Dhinaca kale Ibrahimovic ayaa sheegay inuu u farxi doono haddii uu Giroud kooxda kula soo biiro isaga oo ku sifeeyay inuu yahay guuleyste.

“Waan ku farxi doonaa haddii uu Olivier Giroud kusoo biiro AC Milan, waanu u baahanahay ciyaaryahanada isaga oo kale ah, isagu waa guuleyste”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More