YAAB: Taageerayaal Sawir La Galayay Oo Dhaawacay Neymar Kahor Copa
Garabka weerar ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa la xusayaa inay dhaawac gaadhsiiyeen qaar kamida jamaahiirta dalkiisu.
Dhaawaca gaadhay Neymar ayaan ahayn mid ulakac ah balse laba kamida jamaahiirta ree Brazil oo isku dayay inay sawir la galaan isla markaana dhinaciisa u yaacay ayaa nasiib daro ku siibtay iyaga oo sidaas dhaawaca ku gaadhsiiyay.
Neymar ayaa goobta ka dhaqaaqay isaga oo dhutinaya lagana dareemayo inay wax gaadheen, tababaraha xulka ee Tite ayaan wali wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin xaalada xiddigiisa.
Brazil ayaa maanta oo Jimce ah xulka Ecuador la ciyaaraya halka ay Salaasada dambe la dheeli doonaan Paraguay kulamada isreeb-reebka koobka aduunka ee South America, Brazil ayaa soo guuleysatay afarta kulan ee ay isreeb-reebkaas ilaa hadda ka ciyaaray iyaga oo 12 dhibcood Group-kood ku hor kacaya.
Xulka tababare Tite hormoodka u yahay ayaa ciyaari doona kulankooda ugu horreeya ee Copa America 13-ka bishan June iyaga oo Venezuela ku bilaabanaya.
Brazil ayaa la saaray masuuliyada ah martigelinta Copa America oo dhacaya inta u dhaxaysa 13-ka bisha June ilaa 10-ka July kaddib markii laga qaaday Argentina iyo Colombia oo hore loogu qorsheeyay.
Lama filayo in wax taageerayaal ahi ay ka qayb galaan tartankaas iyadoo madaxweynaha Brazil ee Jair Bolsonaro uu sheegay in sharciyadii tartanada kale ee kubadda cagta uun la mari doono.