Waatan Shaxda Aan La Celin Karin Ee Ay Man City Doonayso Inay Yurub Ku
Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa qorshaynaysa inay isbedelo ku samayso safkeeda suuqa xagaaga sanadkan kaddib qalbi-jabkii ay ka qaaday Final-kii UEFA Champions League.
City ayaa xilli ciyaareedkan qabsatay Premier League balse tababare Guardiola ayaa ah mid markasta raadinaya qorshe uu kaga fiicnaado kooxaha kale, Guardiola ayaa hubaal isku dayi doona inuu kooxda keeno laba saxeex oo lagu sheegay Harry Kane iyo Jack Grealish.
City ayaa horyaalka England ku guuleysatay markeedii toddobaad guud ahaan taariikhda iyaga oo 12 dhibcood ka sarreeyay kooxda ugu soo dhaw oo ahayd Manchester United.
Laakiin taas ayaan la micno ahayn inaysan isbedelo samayn doonin suuqan, laba xiddig oo durba kooxda ka tagay ayaa ah Sergio Aguero iyo Eric Garcia oo labaduba qaab bilaash ah ugu wareegay Barcelona.
Haddaba, shabakadda Express Sport oo sii qiyaastay shaxda ay City doonayso inay xilli ciyaareedka dambe ku qabsato Yurub ayaa ah mid ay ku cusub yihiin labada saxeex ee Kane iyo kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish.
Sida caadiga ah goolhayaha shaxda ayaa ah Ederson iyadoo afarta daafac ay yihiin Kyle Walker, Ruben Dias, John Stones iyo Zinchenko oo ah afarleydii ay City ku dhammaystay xilli ciyaareedka.
Saddexda xiddig khad dhexe ayaa kala ah Kevin De Bruyne, Rodrigo iyo Phillip Foden taas oo meesha ka saaraysa xiddigaha kala ah Fernandinho, Gundogan iyo Bernardo Silva.
Weerarka City oo ah meesha uu isbedelka weyni ku dhacayo ayuu Express Sport ku qiyaasay Jack Grealish iyo Riyad Mahrez oo labada garab ah iyo Harry Kane oo weeraryahanka dhexe ah taas oo ka dhigan in Raheem Sterling, Gabriel Jesus iyo Ferran Torres aysan boos heli doonin.