“Guardiola Isagaa Champions League Ka Xaday Man City, Waan Hubaa
Halyeeyga kubadda cagta Germany ee Lothar Matthaus ayaa tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ku eedeeyay inuu kooxdaasi sabab ugu ahaa inay ku guuldarraysato Final-ka UEFA Champions League habeenimadii Sabtidii.
Guardiola ayaa marar badan lagu eedeeyay inuu isku dayo inuu keeno hab ciyaareed cusub kaas oo ku sababa guuldarro kooxdiisa iyadoo markale isla eedahaas dusha laga saarayo kaddib guuldarradii magaalada Porto kusoo gaadhay.
Halyeeyga Bayern Munich oo kamid ah shaqsiyaadka ku eedeeyay Guardiola fashilkii Final-ka ee City ayaa ku duray shaxdii uu kulankaas kusoo galay isaga oo xataa qaba inuu soo dhammaan karo wakhtigiisii kooxdu.
Pep ayaa kulankii ay koobka u waayeen Chelsea doortay inuu kusoo galo khad dhexe oo bur-buriye ah la’aan iyo waliba inuu ku ciyaaro weeraryahan been ah (False Nine).
Inta badan guuldarradaas City ayaa la saaray Guardiola, Matthaus ayaa qaba in kaddib ciyaartaas ay xataa adkaan doonto in ciyaaryahanada kooxdu ay aaminaan macalinkooda.
Matthaus ayaa yidhi “Isaga ayaa Champions League kooxda iyo jamaahiirtaba kaga xaday shaxda uu kusoo galay waana sax inuu maqlo eedaymaha adag ee dhinacyada oo dhan ka imanaya hadda”
“Waan hubaa inay jiri doonaan wadahadalo gudaha ahi kuwaas oo ku saabsan haddii ay kala tagayaan kooxda isaga, ciyaartoydu isaga shaki ayay galin doonaan laga bilaabo Final-kaas”
La’aanta Fernandinho iyo Rodri oo ah khadadka dhexe ee kubad dilayaasha ah ee City, Chelsea ayaa u muuqatay mid ku raaxaysatay ciyaarta inta badan iyadoo sidoo kale qaab cajiib ah u difaacatay.