CR7 Oo Old Trafford Ku Jeeda, Real Oo Heshay Tababaraheeda Cusub,
Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si xowli ah ku socda iyadoo kooxaha Yurub ay isku diyaarinayaan xilli ciyaareedka soo socda, waxaa durba jira heshiis la dhameystiray halka xiddigo waa weyn la filayo inay kooxo cusub u wareegaan xagaagan.
Hadaba waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa saaka wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada.
Manchester United ayaa si dhab ah uga fiirsaneysa inay dib u la soo saxiixato xiddiga Juventus iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo oo 36 sanno jir ah, waxaana jirta suurtogalnimo weyn uu uga dheeli karo Old Trafford xilli ciyaareedka soo socda. (Express)
Manchester City ayaa dooneysa inay iibiso Raheem Sterling, Benjamin Mendy iyo Aymeric Laporte si ay lacagta uga soo xaroota ay ku soo xerogeliyaan weeraryahanka Tottenham Harry Kane iyo xiddiga Aston Villa Jack Grealish. (Goal)
Suurtogalnimada uu tababaraha PSG Mauricio Pochettino ugu soo laaban karo Tottenham kuma filna kaliya inuu Harry Kane oo 27 sanno jir ah sii joogo kooxda ka dhisan Waqooyiga London. (Times)
Pochettino ayaa doonaya inuu ku laabto Spurs laakiin PSG ayaa adeegsatay qodob ku jiray heshiiskiisa oo ay ku kordhineyso qandaraaskiisa si ay u ceshato. (Daily Mail)
City ayaa diyaar u ah inay Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus oo wada socda ku soo bedelato weeraryahanka kooxda Tottenham iyo xulka England Harry Kane. (The Sun)
Manchester United ayaa iyadana xiiseyneysa Kane iyo Grealish halka ay labada kooxood ee reer Manchester ay sidoo kale ku tartamayaan saxiixa xiddiga West Ham 22 jirka khadka dhexe Declan Rice. (Daily Mirror)
Pep Guardiola iyo Manchester City ayaa ka fiirsanaya inay u soo bandhigeen kabtanka Real Madrid Sergio Ramos oo 35 sanno jir ah qandaraas labo sannadood ah marka uu dhaco qandaraaskiisa Los Blancos xagaagan. (ESPN)
Manchester City ayaa ugu cadcad saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Barcelona 29 sanno jirka Sergi Roberto. (Sport)
Tababaraha kooxda Everton Carlo Ancelotti ayaa u sharaxan shaaqada tababaraha Real Madrid oo uu hore macalin uga soo noqday. (Cadena SER)
Chelsea iyo AC Milan ayaa heshiis ka gaaray saxiixa daafaca Ingariiska Fikayo Tomori oo 23 sanno rja ah kaasoo si joogta ah ugu wareegaya kooxda Talyaaniga ka dib heshiis amaah uu ku joogay. (Sport Witness)
Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa qorsheynaya inuu ilaa iyo sagaal ciyaaryahan ka diro Anfield xagaagan oo ay ku jiraan xiddiga reer Switzerland Xherdan Shaqiri iyo xiddiga reer Belgium Divock Origi. (Daily Star)
Barcelona ayaa soo bandhigtay qorshe ah in xiddiga reer Brazil Philippe Coutinho dib ugu celineyso Liverpool si looga cafiyo deynta ku harsan ee heshiiskii ay xiddigaan kula wareegeen sannadkii 2018. (AS)
Chelsea iyo Manchester United ayaa labudba diyaar ah inay bixiyaan lacagta 70ka milyan ginni ee ay Real Madrid duldhigtay daafaceeda Raphael Varane, iyadoo labada kooxood ay sidoo kale diyaar u yihiin inay labo jibaaraan mushaharkiisa. (Defansa Central)
Xiddiga Real Madrid Eden Hazard oo 30 sanno jir ah ayaa meesha ka saaray inuu xagaagan dib ugu laabanayo Premier League. (Daily Mail)
Xiddiga Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu ka tagayo Jarmalka xilli lala xiriirinayo Chelsea, Barcelona iyo Real Madrid. (Canal)
AC Milan ayaa dooneysa inay la saxiixayo xiddiga Chelsea Olivier Giroud marka uu qandaraaskiisa dhaco dhamaadka bishaan Juun. (Goal)