“Waan Ka Niyad-jabay In Uu Ka Tegay Real Madrid, Laakiin Noloshu Way
Karim Benzema ayaa ka hadlay iscasiladdii Zinedine Zidane oo iskaga tegay Real Madrid kaddib xilli ciyaareed ay kooxdu koobab la’aan ku dhamaysatay.
Zidane ayaa toddobaadkii hore soo afjaray hadal-hayn muddo ka taagnayd mustaqbalkiisa, waxaanu Florentino Perez u dhiibay go’aankiisa ah in uu iska tegayo xilli kooxdu doonaysay in uu sii joogo.
Weeraryahanka ay isku waddanka yihiin ee Karim Benzema oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id ayaa wax laga weydiiyey bixitaanka Zidane, waxaana uu qiray in uu aad uga niyad-jabay, sababtoo ah taageeradii uu mar walba siin jiray iyo sidii uu u caawin jiray.
Benzema ayaa yidhi: “Zizou mar walba wuu iga dambeeyey, i taageeri jiray, waxaanu iga caawiyey in aan soo gaadho heerkan.
“Waan u mahad-celin doonaa maalin walba. Dabcan waan ka niyad-jabsanahay in uu ka tegayo Real, sababtoo ah wuxuu ahaa tababare wanaagsan oo koobab badan ku guuleystay.”
Shaqsiyadda Zidane ayaa uu sidoo kale amaanay, waxaanu yidhi: “Marka laga hadlayo binu-aadanimada, isagu waa ninka ugu fiican. Waxaan ku sifaynayaa kalmadda ‘heersare’. Laakiin waa sida ay tahay hadda, noloshu way sii soconaysaa.”
Maxaa u xiga Zidane iyo Real Madrid
Lama hubo in Zinedine Zidane oo 48 jir ah uu sii wadi doono shaqada tababarka, laakiin waxa la fahamsan yahay in waqtigan la joogo uu geli doono nasasho.
Waxa hore loola xidhiidhinayay Juventus oo shaqada ka caydhisay Andrea Pirlo, laakiin waxa kooxdaasi ay tababaraheeda u magacowday Massimiliano Allegri oo dib ugu soo laabtay.
Real Madrid ayaa iyadana lala xidhiidhinayaa Mauricio Pochettino oo la sheegay in uu ku wargeliyey PSG in uu iska tegayo. Waxa kale oo liiska macallimiinta Los Blancos ku jira Raul oo hadda ah tababaraha kooxda da’yarta Real Madrid ee Castilla.