“Tijaabadii Macallinka Waalan…!” Warbaahinta Ingiriiska Oo Dhulka

Wargeysyada waaweyn ee Ingiriiska ayaa saaka bogaggooda hore ku karbaashay tababare Pep Guardiola oo ay ku dhalliileen istaraatiijiyaddii ciyaareed ee kulankii finalka Champions League ee xalay ay Chelsea kaga qaadday Koobka.

Cinwaano aad u kulul ayay wargeysyadu kusoo bandhigeen bogaggooda hore, waxaana midkii ugu adkaa uu u dhignaa sidan: “Tijaabadii macallinka waalan.”

Daily Mirror ayaa waxa uu saaka cinwaan ka dhigay: “Qaladkii weynaa ee uu xukumay Guardiola”

Wargeyska ayaa sheegay in uu qalad weyn ka sameeyey Pep Guardiola xulashada kooxdiisa oo uu kaydka dhigay labadii kubbad-burburiye ee Fernandinho iyo Rodri.

“In Fernandinho iyo Rodi ay kaydka ku jiraan, waa tijaabo halis ah iyo qalad xun.” Ayuu yidhi wargeysku

‘Olé’: “Qorshihii Guardiola wuu fashilmay”

Wargeyska Ole ayaa  isaguna qormo cajiib ah ka qoray Pep Guardiola iyo guul-darradii Manchester City, waxaana uu qayb ka mid ah qoraalkiisa ku yidhi: “Gool uu dhaliyey Havertz, ayay Chelsea finalka Champions League ugu guuleysatay iyadoo garaacday Man City. Qorshihii Guardiola ee ahaa in uu ku ciyaaro weeraryahanno la’aan ma shaqaynin. Sterling iyo De Bruyne waxay abuureen halis laakiin mar kasta oo ay kubadda xerada ganaaxa keenaan, cidina uma joogin meesha.”

‘Daily Mail’: “Safkii Pep Guardiola, waxay ahayd dheel-dheel taxadar la’aan ah”

“Saddex jeer ayuu la kulmay Thomas Tuchel xilli ciyaareedkan. Saddex jeeer, laba ka mid ah ayaa ahaa kulamo muhiim ah, wuu ka adkaan kari waayey ninka Jarmalka. Markii u horreysay ee ay kulmeen, Tuchel ayaa xiisaynayay xidhiidhka saaxiibtinimo. Hadda isaga ayaa mudane ah.” Ayuu wargeysku yidhi.

Intaas kaddib waxa uu soo qaatay qaladaadkii uu sameeyey Pep Guardiola, waxaanu yidhi: “Sterling ayaa jooga, joogist la’aanta Fernandinho iyo Rodri, waa qalad weyn. Marka aad la ciyaarayso koox sida Chelsea ah oo uu Tuchel ku dhisay weerar degdeg ah iyo ciyaartooyo orod badan, waxa {Pep} uu sameeyey taxadar la’aan dheel-dheel ah.”

Cinwaannada kale waxa ka mid ahaa:

‘BBC’: “Qorshihii Guardiola wuu fashilmay”

‘El País’: “Chelsea waxay cuntay City”

‘The Guardian’: “Guardiola wuxuu ikhtiraacay qaab cusub oo loo guul-darraysto”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More