Pep Guardiola Oo Sharraxay Go’aan Ka Yaabiyey Thomas Tuchel Xalay,
Pep Guardiola ayaa sharraxaad ka bixiyey go’aan uu qaatay kulankii xalay ay kooxdiisa guul-darradu kasoo gaadhay ee finalka Champions League, taas oo ay 1-0 ku badisay Chelsea oo ku guuleysatay koobkan markeedii labaad.
Tababaraha reer Spain ayaa go’aan layaab lahaa qaatay, waxaana uu kaydka geliyey ciyaartoyda kubbad-burburiyeyaasha, waxaanay taasi faa’iido u noqotay Chelsea oo khadka dhexe ku awood roonaatay.
Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu la yaabay Guardiola markii uu shaxdiisa ka waayey Fernandinho, waxaanu sheegay in isaga iyo shaqaalihiisa tababarku ay wax kasta oo Man City ah sii saadaaliyeen balse aanay marnaba xisaabta ku darsanin in Fernandinho laga waayi doono garoonka.
Halka Fernandinho iyo Rodri oo ahaa kubbad-burburiyeyaasha Man City ay kaydka fadhiyeen, N’Golo Kante oo khadka dhexe ee Chelsea ah ayaa qaatay xiddigii garoonka, taas oo caddaynaysa in halka labada kooxood isku dhaafeen ay ahayd khadka dhexe.
Fernandinho ayaa soo galay qaybtii dambe, waxaana markaas soo noolaatay khadka dhexe ee Man City inkasta oo Kai Havertz ay ku daaleen sidii ay u joojin lahaayeen.
Thomas Tuchel oo la weydiiyey sida uu u arkay in Guardiola fadhiisiyey Fernandinho ayaa yidhi: “Waan filayay in Fernandinho kusoo bilaabanayo. {Pep} waxa uu ahaa mid aad weerar u ah, shax farsamo, aad ayay u adkayd in kubadda laga xado. Wax kasta oo kale waanu filaynay, laakiin in Ferdinand maqnaado maanaan filaynin.”
Pep Guardiola ayaa isaguna sharraxay go’aanka layaabka lahaa ee uu qaatay, waxaanu yidhi: “Aniga ayaa go’aanka go’aansaday, si aan u helo ciyaartooyo tayo leh. Gundogan ayaa sannado badan ka ciyaarayay booskaa.
“In aanu helno ciyaartooyo orod badan, si aanu u helno fakaag yar uga helno ciyaartoyda, tayada, laacibiin cadcad, xerada ganaaxa dhexdeeda, badhtamaha garoonka iyo laymanka. Kan ayuu ahaa go’aanku.”
Mar la weydiiyey Guardiola in uu ka qoomamoonayo go’aankan, waxa uu ku jawaabay: “Ma garanayo – go’aamada aan sameeyey, ciyaartoydu wax walba ayay sameeyeen sii ay iskugu dayaan in ay guuleystaan ciyaarta.”