Shan Arrimood Oo Man City Ay Ku Garaaci Karto Chelsea Finalka

Manchester City ayaa tallaabooyin u jirta in ay ku guuleysato koobkeedii ugu horreeyey ee Champions League ah, kaas oo ay ku qoran doonaan buugtooda taariikhda haddii ay ka adkaadaan Chelsea. Citizens ayaa xilli ciyaareedkan kusoo guuleysatay labada koob ee Premier League iyo Carabao cup, waxaana Champions League oo ay ku daraan ay u noqon doontaa guusheedii ugu weynayd abid.

- Advertisement -

City ayaa muujinaysay awood ay ugu guuleysan karto koobkan, sababtoo ah marna lagama soo badinin dhamaan kulamadeedii tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa iyaduna noqotay sidii koox cusub oo kale bishii January markii uu Thomas Tuchel yimid, waxaanay si xarrago leh usoo dhaaftay Real Madrid wareeggii semi-finalka, waxaanay u noqon doontaa markii labaad ee ay hantaan Champions League kaddib 2012, laakiin waa in ay iska qabtaan Man City.

Tuchel ayay u noqon doontaa guushii ugu weynayd ee uu gaadho sababtoo ah, marna gacanta kuma dhigin koobkan, waxaase uu finalka yimid xilli ciyaareedkii hore isagoo hoggaaminayay PSG. Pep Guardiola ayaa isagu hore ugu soo guuleystay koobkan waqtigii uu joogay Barcelona laba jeer.

Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, laba jeer ayaa koobkan lagu kala qaaday rikoodheyaal, waxaana soo bilowday Chelsea oo 2012 gool-ku-laad kaga qaadday Bayern Munich halka Real Madrid ay 2016 iyaduna rikoodheyaal 5-3 ah ku garaacday Atletico Madrid.

Tababare Pep Guardiola waxa uu guusha caawa ku xaqiijisan karaa shan arrimood oo muhiim ah oo ay tahay in uu sameeyo, waxaana hubaal ah in ay si xun u garaaci karaan Chelsea haddii ay wada hirgeliyaan shantan qodob.

5. In ay joojiyaan khatarta Chelsea ka samayso garbaha weerarka

Pep Guardiola ayaa qirtay in Chelsea ay kooxaha dhaawac ugu geysato garbaha weerarka oo ay ku xooggan tahay, waxaanu hadalkan yidhi xilli uu waraysi siinayay Rio Ferdinand. Xiddigaha sida Reece James iyo Ben Chilwell ayaa ogolaansho u haysta in ay hore u socdaan oo marka kooxdoodu kubadda hesho ay weeraryahanno dhinacyada ah isku beddelaan, iyadoo shaqadooda difaacna ay markaas qabtaan N’Golo Kante iyo Jorginho.

Mararka qaarkood, weerarku waa qaabka ugu wanaagsan ee difaacyada lagu joojiyo, sidaa darteed, Manchester City ayaa looga baahan yahay in ay culayska saarto labada garab ee weerarka oo ay ka ciyaarsiiso Riyad Mahrez iyo Phil Foden, kuwaas oo ku qasbi doona Reece James iyo Ben Chilwell in ay dib u istaagaan, taasina waxay City ka yarayn doontaa khatartii ay waajahayeen.

4. Khadka dhexe ee Manchester City waa in ay ka taxadaraan N’Golo Kante

Haddii uu N’Golo Kante si xooggan ku bilowdo ciyaarta, waxa hubaal ah in khadka dhexe ay Chelsea gacanta ku qabsan doonto, sababtoo ah labadii kulan ee Real Madrid ee semi-finalka Champions League, waxa uu dhibaato xooggan u geystay, isla markaana qariyey Toni Kroos iyo Luka Modric oo joojin kari waayey laacibkan/

Tamarta iyo awoodda ku jirta laacibkan ayaa ah mid aanay cidina qarin karin, laakiin haddii ay City kusoo bilowdo ciyaartoyda ay ka mid yihiin Bernardo Silva iyo Ilkay Gundogan (dhaawac ayaa jimcihii soo gaadhay), waxay N’Golo Kante ku qasbi karaan inuu ku mashquulo sidii uu iyaga  u joojin lahaa halkii uu ka shaqayn lahaa dhismaha kubadda kooxdiisa iyo inuu hore u socdo sidii kulankii Real Madrid.

Riix 2 si aad u wada akhrisato

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More