Halkee Ayuu Saxeexa Cusub Ee Ibrahima Konate Kaga Jiraa Liiska
Liverpool ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo ay kala soo wareegtay kooxda kubadda cagta RB Leipzig ee waddanka Germany.
Reds ayaa bixisay £36 milyan oo Gini oo lagu burburin karayay qandaraaska uu Konate kula jiray RB Leipzig, waxaana uu noqday ciyaartoygii 26aad ee Liverpool lasoo saxeexato intii uu Jurgen Klopp tababaraha ka ahaa Reds.
Inkasta oo heshiiska la dhamaystiray, haddana waxa la sugayaa in Konate uu soo gaadho UK oo uu qalinka ku duugo heshiis shan sannadood ah oo horeba uu usii ogolaaday laakiin kaliya saxeexu ka maqan yahay.
Kaddib markii ay Liverpool bixisay £36 milyan ee Gini, Ibrahima Konate ayaa noqday difaacii labaad ee ugu qaalisanaa taariikhda kooxda kubadda cagta Liverpool, waxaana kaliya ka horreeya Virgil van Dijk.
Marka heshiiska si rasmi ah loo shaaciyo, waxa uu Konate ku biiri doonaa liiska ciyaartoyda ugu qaalisan taariikhda Liverpool, kuwaas oo uu kaalinta koowaad kaga jiro Virgil van Dijk oo ka horreeya Alisson Becker, halka Naby Keita uu yahay ciyaartoyga saddexaad ee ugu qaalisanaa taariikhda kooxdan.
Digo Jota, Mohamed Salah iyo Fabinho ayaa kusii xiga, waxaana kaalinta toddobaad soo galay Ibrahima Konate oo ku xiga Fabinho, waxaanu ka sarreeyaa Andy Carrol oo waqtiyada qaarkood ahaan jiray xiddiga ugu qaalisan Liverpool.
Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee ugu qaalisanaa Liverpool:
Virgil van Dijk – £75m, Southampton, January 2018
Alisson Becker – £65m, Roma, July 2018
Naby Keita – £52.75m, RB Leipzig, July 2018
Diogo Jota – £45m Wolverhampton Wanderers, September 2020
Mohamed Salah – £43.9m Roma, June 2017
Fabinho – £43.7m Monaco, July 2018
Ibrahima Konate – £36m RB Leipzig, July 2021
Andy Carroll – £35m Newcastle United, January 2011
Alex Oxlade-Chamberlain – £35m Arsenal, August 2017
Christian Benteke – £32.5m Aston Villa, July 2015