Michael Owen Oo Saadaaliyey FINALKA Champions League – Midkee Ayuu
Manchester City iyo Chelsea ayaa Sabtida ku kala calaf-qaadi doona finalka Champions League oo ay ku wada ciyaari doonaan magaalada Porto, iyadoo markii labaad ay laba kooxood oo Ingiriis ahi iskugu yimaaddeen finalka saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey.
Manchester City ayay u tahay markii koowaad ee ay timid finalka Champions League, waxaana haddii ay ku guuleystaan ay u noqon doontaa taariikhda markii ugu horreysay ee koobkani u galo diiwaankooda, halka Chelsea ay noqonayso markii labaad ee ay hantaan, waxaana uga horreysay 2012 oo ay Bayern Munich ka qaadeen koobka.
Chelsea ayaa laba jeer garaacday Man City lix toddobaad gudahood, waxaanu kulanka hore ahaa semi-finalka FA Cup iyo ciyaarta labaad oo ahay Premier League.
Halyeygii xulka qaranka England iyo Liverpool ee Michael Owen ayaa saadaaliyey kulanka finalka Champions League ee Manchester City iyo Chelsea, waxaanay saadaashiisu muujisay, in City ay noqon doonto kooxdii lixaad ee Ingiriis ah ee ku guuleysanaysa Champions League.
Owen ayaa sheegay in Manchester City ay kasoo aarsan doonto Chelsea labadii jeer ee hore ee ay ka badisay, isla markaana ay horyaalka iyo Carabao Cup ee ay hantiday xilli ciyaareedkan ay ku darsan doonto Champions League.
“Waxay ila tahay in Chelsea ay isku dayi doonto in ay qabato weerarka City, laakiin aad ayey Man City ugu awood badan tahay weerarka, waxaanay ku wadaysaa imtixaan sare. Waxaan maskaxda ku hayaa, in Man City ay ku guuleysan doonto markii ugu horreeyey Champions League.” Ayuu yidhi Michael Owen.
Intaas kaddib waxa uu Owen saadaaliyey natiijada ay ciyaartu ku dhamaan doonto, waxaanu yidhi: “Manchester City ayaa koobka ku qaadi doonta 2-0.”