“Shut Up” – Edinson Cavani Oo Garoonka Dhexdiisa Ku Bahdilay Tababare

Ole Gunnar Solskjaer iyo Edinson Cavani ayaa isku dhacay, ereyo kulul na isweydaarsaday intii ay socotay ciyaartii Manchester United guul-darradu kasoo gaadhey ee Villarreal ay rikoodheyaasha kaga qaadday Koobka Europa League.

- Advertisement -

Tababare Solskjaer ayaa iska lumisay fursad uu United kula guuleysan lahaa koobkii ugu horreeyey, waxaana qaybtii horeba dhaawacay Gerard Moreno oo lugta geliyey kubbad laad xor ahayd oo uu soo tuuray Daniel Parejo daqiiqaddii 29aad.

Victor Lindelof ayaa kubaddaas ku fashilmay in uu ka difaaco kooxdiisa, iyadoo marka horena uu qaladka laadka xorta ah galay Edinson Cavani oo goolka barbarrahana u saxeexay kooxdiisa  qaybtii labaad.

Ka hor intii aanay Villarreal soo tuuranin laadka  xorta ah, waxa isku dhacay tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo Edinson Cavani oo la arkayay iyagoo ereyo kulul is-weydaarsanayanaya.

Solskjaer ayaa ku qayliyey Cavani markii uu qaladka galay, laakiin weeraryahanka reer Uruguay ayaa si adag ugu jawaabay, una sheegay in uu afkiisa xidho.

Cavani oo taagnaa meel aan ka fogeyn laynka uu joogay tababare Solskjaer ayey dhibtay canaanta uga timid macallinkiisa oo u qaylinayay si adag, waxaana uu Edinson muujiyey falacelin waalli ahayd oo ay cadho badan ka muuqato, isagoo u sheegay in uu aamuso.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Stadion Miejski ee magaalada Gdansk ee caasimadda Poland, waxa uu sida muuqaalka hoose ka muuqata uu Cavani ku odhanayaa Ole Gunnar Solskjaer: ‘Shut up’.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More