Oloole Liverpool & Man United Oo Dhicisoobay Iyo Kooxaha

Kooxaha Premier League ayaa cod ku diiday mashruucii ay hormuudka ka ahaayeen Liverpool iyo Manchester United ee loogu magacdaray Project Big Picture laakiin waxay isku raaceen inay dhaqaale ahaan caawiyaan kooxaha heerka seddexaad iyo heerka afaraad ee kubada cagta Ingiriiska.

Kooxaha horyaalka heerka koowaad ee Ingariiska ayaa isku raacay in lacag uruurin degdeg ah loo sameeyo kooxaha heerka hoose ka dib kulankii ay isagu yimaadeen maanta oo Arbaco ah 20ka kooxood ee Premier League.

Warbixin ay soo saareen ka dib kulankooda ayaa lagu yiri: “Dhamaan 20ka kooxood ee Premier League waxay maanta isku raaceen inaan la taageerin mashruuca Project Big Picture mana ahan mid aqbali doonto Premier League ama FA-ga.”

Mashruuca ay wadeen Liverpool iyo Manchester United ayaa ahaa mid wax weyn ka bedeli lahaa qaab dhismeedka kubada cagta Ingariiska.

Qodobada ugu waa weyn ee uu xambaarsanaa mashruucii la diiday waxaa ka mid ah:

In tirada kooxaha Premier League laga dhigo 18 kooxoodIn gabi ahaanba la baabi’iyo Carabao Cup iyo Community ShieldIn mudnaan gaar ah la siiyo sagaalka kooxood ee ugu mudada dheeraa horyaalka oo ah lixda kooxood ee waa weyn oo lagu daray Everton, West Ham iyo Southampton.Kaliya lix ka mid ah sagaalka kooxood ee ugu mudada dheeraa horyaalka ayaa u codeyn kara isbedelada ugu waa weyn ee horyaalka.In 250 milyan ginni oo magdhow ah la siiyo xiriirka horyaalada heerka hoose ee Ingariiska ee EFL.Lacagtaas waxay sidoo kale mataleysaa lacagta lagu caawin lahaa kooxaha heerka hoose ee waqtigaan uu jiro Korona Fayras.Kooxda ku dhameysata kaalinta 16aad ee Premier League waxay ka qeyb galeysaa kulamada kala baxa ee kooxaha heerka labaad ee doonaya inay u soo dalacaan Premier League.Kooxaha Premier League waxay boqolkiiba 25 lacagta soo gasha ay siin doonaa EFL.

Ka dib markii ay diideen mashruucaan kooxaha Premier League ayaa balan qaaday inay caawin doonaan kooxaha heerka seddex iyo heerka afaraad ee Ingariiska.

“Muhiimadeenu waa inaan hubino inaysan baabi’in horyaalada heerka seddexaad iyo heerka afaraad.”

Ka hor kulankii maanta, mid ka mid ah milkiilayaasha kooxaha Premier League ayaa u sheegay Sky Sports in kaliya lix kooxood ay taageereen mashruuca ay hormuudka ka ahaayeen Liverpool iyo Man United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More