LAYAAB: Go’aanka Aan Cidina Filayn Ee Uu Gareth Bale Qaadan Doono
Garabka weerar ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Wales ee Gareth Bale ayaa lagu soo warramayaa inuu si lama filaan ah uga fadhiisan karo kubadda cagta gabi ahaanba kaddib tartanka Euro 2020.
Bale oo xilli ciyaareedkii dhammaaday kusoo qaatay Tottenham oo uu qaab amaah ah kula joogay ayaa diiday inuu si cad uga hadlo mustaqbalkiisa isla markaana sheegay inuu kaliya diirada saarayo Euro.
31 sano jirkaas ayaa sheegay inuu nashqadeeyay mustaqbalkiisa iyo waxa uu doonayo inuu yeelo xagaaga balse uusan hadda sii sheegi doonin maadaama oo haddii uu sheego ay dhibaatooyin abuurayso sida uu xusay.
Si kastaba, wargeyska ABC ee ree Spain oo hadda kahor dhacay go’aanka Gareth ayaa sheegaya inuu ka hawl-gabayo kubadda cagta xagaaga isaga oo soo af-jaraya waayihiisa ciyaareed ee quruxda badan.
Wargeyska ree Spain ayaa intaas ku daraya in Gareth Bale uu qoyskiisa kala xaajooday go’aanka uu kaga hawl-gabayo kubadda cagta isla markaana uu la fadhiisan doono Real Madrid si uu qayb ahaan u dhimo mushaharkiisa halka sano ee hadhay taas bedelkeedana la kansalo heshiiskiisa.
Bale ayaa hadda lacag 15.1 Milyan pound ah sanadkii mushahar ahaan uga qaata Los Blancos balse kusoo koobi doona 7.5 Milyan pound kaliya halka sano ee u hadhay.
Tottenham ayaan wax sir ah ka dhigin inay doonayaan inay sii haystaan kaddib xilli ciyaareedka amaahda ah ee uu ku qaatay oo uu kooxda 16 gool usoo dhaliyay.
Heshiiskii amaahda ahaa ee uu kaga soo dhaqaajiyay Real Madrid ayuu qasbay xidhiidh aan fiicnayn oo kala dhaxeeyay tababare Zinadine Zidane.