“Tus Qofka Uu Yahay Boss-ku” – Xaaska Thiago Silva Oo Halkeeda Kasii

Xaaska daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Thiago Silva oo lagu magacaabo Isabele Da Silva ayaa xalay kamid ahayd taageerayaasha kooxdaasi ee ku sugnaa gegida Stamford Bridge kulankii ay Blues guusha 2-1 ka ah ka gaadheen Leicester Metropolis.

- Advertisement -

Gabadha ree Brazil ayaa dhawr jeer boggaga hore ee saxaafada qabsatay sanadkan, waxa ay eedaymo u jeedisay daafaca bidix ee Liverpool ee Andy Robertson iyo kooxda Tottenham.

Intaas kaddib waxa ay dhaliilo u jeedisay weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner kahor inta aysan muuqaal kale kusoo amaanin oo aysan ku sifayn midka ugu wanaagsan.

Blues ayaa ka aarsaday Foxes oo ay guul 2-1 ah kaga gaadheen Bridge kaddib markii ay kooxdaasi kaga guuleysatay FA Cup Sabtidii.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Antonio Rudiger iyo Jorginho ayaa saddex dhibcood oo dahabi ah siiyay kooxda tababare Thomas Tuchel oo booska saddexaad kala wareegtay Leicester.

Xiddigaha Chelsea iyo kuwa Leicester ayaa isku dhacay qaybihii dambe ee ciyaartii xalay, gudaha isku dhacaas ayaa la arkayay Thiago Silva oo ay isku dhaceen khadka dhexe ee Leicester ee Daniel Amartey.

Amartey ayaa lagu xasuustaa inuu xushmad darro weyn u muujiyay Chelsea kaddib markii laga duubay muuqaal uu calaamada kooxdaas si quudhsi leh u tuurayo intii ay u dabaaldegeyeen hanashada FA Cup.

Xaaska Thiago oo barteeda Twitter-ka adeegsatay kaddib isku dhaca saygeeda iyo Amartey ayaa tidhi “Taasi waa sax Thiago Silva, tus qofka uu yahay Boss-ku”

Jamaahiirta Chelsea badhkood ayaa ku kaftamay in Belle Silva qudheeda heshiis laga saxeexo kaddib sida cajiibka ah ee ay kooxda u garab taagantahay bilihii ugu dambeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More