Karim Benzema Oo Lagu Darayo Xulka Qaranka France Ee Euro 2020 &
Weeraryahanka Actual Madrid ee Karim Benzema ayaa dib ugu soo laabanaya xulka qaranka Faransiiska oo ay ugu dambaysay muddo lix sannadood laga joogo, markaas oo uu tababare Didier Deschamps kasaaray liiska xulkiisa markii ay soo baxday fadeexaddii caanka noqotay ee Cajaladdii galmada ee laga duubay Valbuena.
- Advertisement -
Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa dib ugu yeedhaya Karim Benzema waxaanu laacibkani hoggaamin doonaa xulka Faransiiska ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada qaaradda Yurub ee bisha June bilaabmi doona.
33 jirkan oo intii uu ka maqnaa xulka Faransiiska wacdaro ka dhigayay horyaalka Spain ee LaLiga ayay warbaainta Faransiisku xaqiijiyeen in uu ka mid noqonayo xulka dalkaas ee lagu dhawaaqayo toddobaadkan.
Wargeysyada caanka ah ee L’Equipe iyo Le Parisien ee kasoo baxa Faransiiska iyo sidoo kale Marca oo Spain saldhiggiisu yahay ayaa xaqiijiyey in Karim Benzema lagu darayo xulka qaranka France isaguna uu diyaar u yahay inuu kusoo laabto oo uu hoggaamiyo tartanka Euro 2020 ee bilaabmaya 11 June.
Karim Benzema oo toddobaadkan la guddoonsiiyey abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsan Faransiiska ee ka ciyaara dalka dibeddiisa ayaa saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey wuxuu mid walba dhaliyey 20 gool iyo ka badan, isagoo ahaa hoggaamiyaha Actual Madrid tan iyo markii uu ka tegay Cristiano Ronaldo.
Xulalka qaramada Yurub oo hore loogu ogolaa min 23 ciyaartoy ayaa laga dhigay 26 laacib dal kasta, waxaanay taasi keentay in Didier Deschamps oo uu saamayn ku yeeshay culayska taageereyaasha dalbanaya in laacibkan lagu soo celiyo qaranka iyo bandhigga cajiibka ah ee uu Benzema samaynayo, uu beddelo go’aankiisii hore ee ahaa in aanu marnaba Karim qayb ka noqon doonin xulka inta uu isagu yahay tababare.
Dhinaca kale, madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska ee Noel Le Graet ayaa la sheegay inuu muddooyinkii dambe ka shaqaynayay in Benzema lagu soo celiyo xulka oo aanu u ciyaarin illaa 2016kii.