Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ka Tirsan Ee Uu Jurgen Klopp La Bar-Bardhigay

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa goolhayaha kooxdiisa ee Alisson Becker goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay West Bromwich Albion kula bar-bardhigay weeraryahanka Chelsea ee Olivier Giroud oo kubaddaha sarre ee madaxa lagu dhaliyo dilaa ku ah.

Reds ayaa qarka u saarnaa inay kooxda ka dhaadhacday ee West Brom la galaan bar-bardhac dhibaato weyn ku noqon lahaa hammigooda ah inay usoo baxaan tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe kahor inta uusan Becker madax cajiib ah shabaqa dhex dhigin.

Kaddib markii uu goolkaas dhaliyay, goolhayaha 28 sano jirka ah ee ree Brazil ayaa noqday shabaq-ilaaliyihii lixaad ee gool ka dhaliya Premier League inta uu jiray iyo goolhayihii ugu horreeyay ee gool madax ah dhaliyay.

Jurgen Klopp oo kamid ahaa shaqsiyaadka badan ee la yaabay goolka Alisson ayaa aaminsan inuu goolkaasi ahaa mid heer caalami ah ee uusan ahayn mid goolhaye inta badan dhalin karo.

Jurgen ayaa yidhi “10 jeer ayaanu dib ugu daawanay qolka labiska waana gool gabi ahaanba cajiib ah, ala muxuu gool ahaa, ala muxuu gool cajiib ah ahaa”

“Farsamadu waxay ahayd mid gabi ahaanba waali ah, waxa ay ahayd mid cajiib ah, haddii uu Olivier Giroud goolkaas dhalin lahaa waxa uu odhan lahaa waa gool heer caalami ah sidaas darteed goolkan waa inaanu si lamid ah sidaas nidhaa”

“Wakhtiyo badan oo sidaas ah maanu helin xilli ciyaareedkan, sidaas darteed waa inaanu ku raaxaysano marka ay yimaadaan”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More