Chelsea Oo Lagu Xasuuqay Finalka Champions League & Barcelona Oo
Caroline Graham Hansen ayaa ka caawisay Barcelona inay xasuuq u geysato Chelsea islamarkaana ay afar gool kaga qaado koobka dumarka Champions League.
Kooxda dumarka Barcelona ayaa 4-0 ku garaacay kooxda Blues ciyaartii finalka Champions League iyadoo kooxda reer Spain ay ku guuleysatay koobkeedii ugu horeysay ee Champions League.
Waa guushii ugu weyneyd ee lagu qaado koobka dumarka ee Champions League taariikhda.
Garoonka Gamla Ullevi Stadium oo hooy u ah xulka qaranka dumarka Sweden ayaa martigeliyay ciyaartii finalka caawa ee u dhaxeysay kooxaha waa weyn ee England iyo Spain.
Markii ugu horeysay muddo todoba sannadood ah finalka Champions League kama aysan soo muuqanin kooxda ugu guulaha badan koobkaan ee Lyon.
Taas bedelkeeda waxay indhaha oo dhan hayeen labadaan kooxood ee Barca iyo Chelsea oo awood ku qabsanaya kubada cagta Yurub.
Barcelona ayaa soo bandhigtay ciyaar weerar ah oo ay ku kala dhantaaleen kooxda Ingariiska.
Natiijadaana aya ku soo aadeysa xilli kooxda ragga ee Chelsea laga badiyay finalkii FA Cup iyadoo ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Leicester Metropolis.
Laakiin madaama ay gaareen markii ugu horeysay finalka koobka dumarka Champions League, kooxda tababare Emma Hayes ayaa ah kuwa ku faraxsan horumarkooda.
Kooxda dumarka Chelsea ayaa weli rajo ka qaba inay seddex koob isku qaadaan xilli ciyaareedkan iyagoo bishaan la dheeli doona Everton wareega shanaad ee FA Cup.