GOOL Mucjiso Ah Oo Liverpool Usoo Nooleeyey Rajadii Champions League,
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey guul ka gaadhay West Brom, waxaanay soo nooleeyeen rajadoodii ka qayb-galka Champions League xilli haddii siidhiga dhamaadka la afuufi lahaa ay rajo la’aan noqon lahaayeen.
- Advertisement -
Liverpool ayaa guul qasab ah u baahnayd si ay ugu soo dhowaato Chelsea oo hadda dhibic kaliya ka horreysa, waxaase rajadooda cirka ku laalay Robson-Kanu oo daqiiqaddii 15aad ee bilowga qaybta hore gool kaga nixiyey, hase yeeshee Mohamed Salah ayaa isla qaybta hore u keenay goolka barbarraha.
Reds ayaa dedaal badan samaysay qaybtii dambe ee ciyaarta, iyadoo laba fursadood oo goolal lavatory qaatayna ay ka lumiyeen Alexander-Arnold iyo Gini Wijnaldum, laakiin waxa shimbirkooda noqday goolhaye Alisson Becker oo daqiiqaddii ugu dambaysay soo galay koorne ay kooxdiisu heshay.
Goolhayaha reer Brazil ayaa madax awood badan ku qabtay kubadda, waxaana uu ku hubsaday shabaqa West Brom, taas oo markii lasoo dhigay badhtamaha garoonka ee la isku laadayna ay sikino kooban kaddib dhamaatay ciyaartu.
Liverpool ayaa yeelatay 63 dhibcood waxaanay hal dhibic ka dambaysaa Chelsea oo 64 dhibcood leh balse Salaasada la ciyaari doonta Leicester Metropolis oo iyaduna ku jirta kaalinta saddexaad, haysatana 66 dhibcood, halka Liverpool ay Burnley la ciyaari doonto isla maalintaas.
Natiijada Chelsea iyo Leicester Metropolis ayaa faa’iido weyn u noqon doonta Liverpool haddii ay iyadu soo badiso, waxaana midkooda laga badiyaba ay kala bixi kartaa booska, halka barbarro ay wada galaanna ay halis ku jirto Chelsea oo ay Liverpool ka sarrayn doonto hal dhibic.
Waxa kale oo jira kulamo adag oo u hadhsan labada kooxood ee Liverpool ka horreeya ee Chelsea iyo Leicester Metropolis, waxaanay Axadda toddobaadka dambe la kala ciyaari doonaan Aston Villa iyo Tottenham, halka Liverpool ay la ciyaari doonto Crystal Palace.
Faahfaahintii ciyaarta
Daqiiqaddii 15aad ayaa Liverpool lagaga nixiyey gool lama filaan ah oo ay difaaciisa khadka dhexe iska lahaayeen, waxaana meel bannaan helay Robson-Kanu oo kubbad uu usoo tuuray Pereira aanay cidina joojin, waxaanu la hor-tegay goolhaye Alisson oo uu lugta bidix dhinaca kaga dhigay.
Liverpool ayaa niyad-jab ka qaadday goolkaas, waxaana la arkayay ciyaartoyda waaweyn oo madaxa foorarinaya iyagoo sidoo kalena ay qaarkood u muuqdeen in ay isku tilmaamayaan qaladka dhacay.
Mohamed Salah ayaa daqiiqaddii 33aad goolka barbarraha u dhaliyey Liverpool, isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1. Kubbad uu khadka dhexe kasoo shaqeeyey Sadio Mane, ayaa waxa uu u dhiibay Firmino, waxaana xilli ay u muuqatay in ay difaaca West Brom heleen uu lugta geliyey kubadda, taas oo u noqotay Mohamed Salah oo isagoo aan qabanin laaday, sidaasna ugu hubsaday goolka.
Roberto Firmino ayaa daqiiqaddii xigtay waxa uu kubadda ka jaray birta iyadoo uu lugta bidig ku laaday kubbad meel cidlo ah uu u dhigay Sadio Mane. Alla maxay kubbad ahayd.
Trent Alexander-Arnold ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta waxa uu kubbad kala soo galay dhinaca midig waxaanu ugu qabtay difaaca oo iska tegay, kaddibna waxa uu lugta bidix balse kubadda ayuu dallacay.
Georginio Wijnaldum ayaa lumiyey fursad dahabi ah, iyadoo goolka hortiisa kubbad lavatory dhigay uu ku qabtay darbo xoogga balse uu goolka dhinac mariyey.
GOOOAAAAALLLLL!!!!! Alisson Becker ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay Liverpool u dhaliyey dhaliyey goolka guusha, waxaana uu madax ku qabtay koorne uu dhinaca bidix kasoo laaday Alexander-Arnold.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Liverpool.