Raul Oo Ka Ka Falceliyey Wararka Sheegaya In Uu Noqonayo Tababaraha

Halyeyga Actual Madrid ee Raul Gonzalez ayaa ka hadlay wararka sheegaya in uu noqonayo tababaraha kooxdaas ee beddelaya Zinedine Zidane, waxaana uu si dhab ah u xaqiijiyey in Los Blancos ay tahay kooxdiisa oo uu doonayo in uu tababare u noqdo.

- Advertisement -

Zinedine Zidane ayaaka tegi doona Actual Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan waxaana uu go’aankiisa u sheegay ciyaartoyda markii ay soo dhamaatay ciyaartii Chelsea ee semi-finalka Champions League ee ay guul-darradu kasoo gaadhay.

Warbaahinta Spain ayaa maalmahan ba ku warramaysay in Raul uu noqonayo beddelka Zidane, iyadoo uu haddana yahay macallinka kooxda da’yarta halkaas oo uu Zidane soo maray ka hor intii aanu tababaraha kooxda koowaad u noqon Actual Madrid.

Raul Gonzalez ayaa waxa xidhiidh la sameeyey wargeyska Marca xilli sidoo kalena lala xidhiidhinayo kooxo waddanka Germany ka dhisan, waxaana la weydiiyey haddii uu doonayo, diyaarna u yahay in uu Actual Madrid layliyo, waxaanu ku jawaabay: “Halkani waa hoygayga, waana halka aan doonayo in aan joogo. Laakiin waqtigani maaha xilligii laga hadli lahaa mustaqbalka qof kale.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Raul sheegay in uu xirfad ahaan diyaar u yahay in uu noqdo tababaraha kooxda koowaad ee Actual Madrid, waxaanu yidhi: “Wax badan ayaan bartay sannadkan. Waxa aan ka mid ahay shaqaalaha kooxda. Tan iyo markii aan go’aansaday in aan noqdo tababare saddex ama afar sannadood ka hor, waxa ugu wanaagsani waa in aan ka shaqeeyo kooxdan, in aan helo khibrad iyo jidka ugu wanaagsan ee bathroom tababarayo. Anigu waxa aan ahay nin kooxeed, waanan ku faraxsanahay hoygayga iyo in aan halkan kasii wado (shaqada tababarenimo).”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More