RASMI: Daniel Ek Oo Dalab Rasmi Ah Oo Uu Arsenal Ku Iibsanayo Gudbiyay
Bilyaneerka ree Sweden ee Daniel Ek oo ah shaqsiga iska leh shirkadda muusiga ee Spotify ayaa ka hadlay dalab uu ka gudbiyay kooxda Arsenal iyo jawaabtii uu la kulmay.
- Advertisement -
Waxa la fahamsan yahay inuu Ek sameeyay dadaal uu kula wareegayo Arsenal isaga oo dalab u gudbiyay shirkadda qoyska Kroenke ee KSE iyo waliba guddoomiyaheeda Josh Kroenke.
Booska ay soo istaageen qoyska Kroenke ayaa ah inaysan diyaar u ahayn inay iibiyaan kooxda ay milkiyadeeda leeyihiin, Sabtidii ayay ahayd markii ay beeniyeen inay dalab heleen balse EK ayaa warkoodaas ka daba yimid.
Ek ayaa sheegay inay been-yihiin wararka sheegaya inaysan wax dalab ah gudbin oo ay gudbiyeen balse laga soo diiday isaga oo intaas ku daray inuu iibka kooxda diyaar u yahay markasta oo fursadaasi ay soo baxdo.
Qoraal uu Daniel Ek soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi “Warar aan sax ahayn ayaa soo baxay maanta kuwaas oo sheegaya in aanan wax dalab ah ka gudbin kooxda kubadda cagta Arsenal”
“Waxaan filayaa inay muhiim tahay in la saxaa, toddobaadkan dalab ayaa bathroom gudbiyay Josh Kroenke iyo bangiilayaashooda labadaba waxaana ku jirtay mulkiyad taageerayaasha ah (In taageerayaashu ay kooxda wax ku yeelan karaan), metelaad boodhka kooxda ah iyo qaybsi (Share) dahabi ah”
“Waxay ku jawaabeen inaysan u baahnayn lacagta, waan ixtiraamayaa go’aankooda laakiin wali waan xiisaynayaa oo waxaan ahay mid la heli karo haddiiba xaaladaasi ay mar uun isbedesho”