SADDEXDA Tababare Ee Mid Ahaan Lagu Bedelayo Zinadine Zidane & Midka
Kooxda Actual Madrid ayaa durba bilawday inay qorshayso xulashada tababarheeda xiga maadaama oo ay sii xoogaysanayaan wararka sheegaya in tababare Zinadine Zidane uu hubaal ka tagayo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Zidane ayaa sida ay qortay warbaahinta Spanish-ku xiddigaha kooxdiisa ku wargeliyay go’aankiisa ah inuu ka tagayo kooxda marka xilli ciyaareedku dhammaado.
Waa markii labaad ee uu Zizou iska casilayo shaqada Madrid iyadoo la xasuusto inuu ka tagay kooxdaas sanadkii 2018 badhtamihiisii kahor inta uusan kusoo laaban March 2019.
Si kastaba ha ahaatee, saddexda tababare ee ay Madrid mid ahaan u doonayso bedelkiisa ayaa kala ah tababaraha ree Talyaani ee Massimiliano Allegri, macalinka xulka Germany ee Joachim Low iyo halyeeygeeda Raul Gonzalez oo da’yarta Actual Madrid B maamula.
Dookha koowaad ee kooxda ayaa ah Allegri oo shaqo la’aan ah tan iyo markii uu ka tagay Juventus laba sano kahor iyadoo la xasuusto inuu saddex sano kahor diiday Madrid maadaama oo uu wakhtigaas heshiis kula jiray Juve.
Dookha labaad ayaa ah Raul Gonzalez, Raul ayaa haya wadadii uu Zidane kusoo fuulay jagada tababarenimo ee kooxda isaga oo hadda guulo waaweyn la gaadhaya Actual Madrid Castilla.
Dookha saddexaad ayaa ah macalinka ka tagaya xulka Germany ee Joachim Low, Low ayaa kaddib tartanka Euro ee bisha dambe bilaabmaya ka tagaya xulka uu tan iyo 2006 soo hoggaaminayay sida uu hore u balan-qaaday.