Paul Pogba Ayaa Yidhi: “N’Golo Kante Waa Khiyaanoole Weyn, Haddana Ma
Xiddiga dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba ayaa sheegay in kubbad-burburiyaha Chelsea iyo xulka France ee N’Golo Kante uu khiyaanooyin badan sameeyo, laakiin uu haddana yahay canug caqli iyo xeelad badan.
N’Golo Kante ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu wanaagsan Yurub tan iyo markii uu dunida kaga yaabsaday kubaddiisa layaabka leh ee aad mooddo in uu la ballamay halka ay marayso xilligii Leicester Metropolis ay Leicester Metropolis oo kasoo dallacday heerka labaad kala soo wareegtay kooxda reer France ee Caen.
30 jirkan ayaa xulka qaranka France kula guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2018 halka uu Leicester Metropolis ka caawiyey Premier League sannadkii 2016 iyo Chelsea oo uu kula guuleystay horyaalka sannadkii xigay.
Paul Pogba oo ay iska garab ciyaarayeen Koobkii Adduunka ayaa waraysi uu siiyey telefishanka beIN Sports activities waxa uu kaga sheekeeyey N’Golo Kante.
Su’aal ayaa laga weydiiyey sida uu N’Golo Kante ciyaartoyda kale uga xado kubadda, waxaana uu yidhi: “Waa khiyaanoole weyn. In badan ayuu wax khiyaameeyaa. Kaadhka ciyaaraha, boodhka kulmada. Haddii anigoo daacad ah aan runta sheego, waa khiyaanoole.
“Wuxuu sheegaa in aanu khiyaamaynin, laakiin wuu khiyaamaa. Wuxuu adeegsadaa khiyaanooyin, waa wiil caqli badan N’Golo, waana in aad jeclaato isaga.”
Paul Pogba oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Waa ciyaartoyga loogu jecel yahay taariikhda kubadda cagta. Waa in aad jeclaat, mana nici kartid, suurtogal ba maaha in aad nacdo.
“Waa wiil dabacsan, naxariis badan oo xirfadle ah. Waligii caban maayo, wuu shaqaynayaa uun.”
Intaas kaddib ayuu xirfad ahaan u amaanay Kante, waxaanu tyidhi: “Wax walba wuu leeyahay. Wuxuu leeyahay farsamo fiican, wuxuu leeyahay tayo wanaagsan oo baas bixinta ah, waxaanu leeyahay wax walba oo looga baahan yahay garoonka dhexdiisa.”