Miyuu Nacay Juventus? Cristiano Ronaldo Oo Shirkadda Ferrari Booqday

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu booqasho ku tagay shirkadda Ferrari xilli ay kooxdiisu tababar samaynaysay isaga oo uu la socday madaxweynaha kooxda qudhiisa ee Andrea Agnelli madaxa shirkadda Exor ee John Elkann.

Sida uu sheegayo wargeyska La Gazzetta dello Sport, Cristiano ayay ahayd inuu ka qayb qaato tababarkii soo kabashada jidhka loogu talo galay ee shalay subax ay Juve samaysay.

Ronaldo ayaan kasoo muuqan xerada tababarka ee Continassa halkaas oo xiddigaha kale ee Bianconeri ay joogeen kaddib guuldarradii 3-0 ka ahayd ee kasoo gaadhay AC Milan.

Taas bedelkeeda CR7 ayaa shirkadda Ferrari qaybteeda Maranello u raacay mulkiilaha Juve ee Andrea Agnelli iyo John Elkann oo daawaday kulankii ay Milan la ciyaareen.

Sida uu sheegayo warsidaha kale ee Calciomercato, Ronaldo ayaan booqasho kaliya kaga soo laaban shirkadaas ee xataa ka iibsaday gaadhi cusub ee Ferrari ah isla shalay.

Juve ayaa hadda hal dhibic ka dambaysa kooxda booska afraad ee Napoli, sida hadda bathroom kala joogo Bianconeri ayaan ugu soo baxayn Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Ronaldo ayaa dhammaysan doona heshiiskiisa kooxda ee June 2022 dhacaya balse warar badan ayaa sheegaya inuu iskaga tagi doono kooxda haddii ay Champions League usoo bixi waydo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More