WARBIXIN: Qorshaha Actual Madrid Ee Daafaca Dhexe, Midka Imanaya, Laba
Sida ilaa hadda la qiyaasi karo, Actual Madrid ayaa xilli ciyaareedka dambe hubaal saddex daafac dhexe kusii tashanaysa halka laba kale ay kala saari doonto oo ay mid ahaan iska fasaxayso.
Saddexda daafac dhexe oo joogistooda lasii shaaciyay ayaa ah David Alaba oo Bayern Munich kaga imanaya walow uusan wali heshiiskiisu rasmi ahayn, Eder Militao iyo Nacho Fernandez oo wacdarro dhigay kulamadii ugu dambeeyay.
Arrinta lama filaanka ah ayaa ah in labada daafac dhexe ee kala bixi doonaa ay yihiin xiddigaha asaasiga ah ee xulashada koowaad ahaa ee Raphael Varane iyo Sergio Ramos.
Actual Madrid ayaa rajaynaysa inay labadaas daafac mid ahaan lasii joogi doono balse aan qorshaheeda ku darin inay labadaba sii wada haysato xilli ciyaareedkan wax ka badan.
Labada daafac dhexe ee haddiiba uu mid ahaan Ramos ama Varane baxo ay diirada saari doonaan ayaa iyaguna noqon doona Joules Kounde oo Sevilla laf-dhabar u ah iyo Pau Torres oo udub-dhaxaad u ah Villarreal.
Dhaawacyadii dhawaanahan gaadhay Ramos iyo Varane ayaa fursad siiyay xiddigaha keydka u ahaa ee Militao iyo Nacho oo labaduba wacdarro dhigay taas oo muujisay in laga maarmi karo.
Iyadoo Kylian Mbappe uu bartilmaameed u yahay Los Blancos ayay u baahan yihiin lacag ay ku sameeyaan saxeexiisa, Varane ayaa sababtaas kooxda looga diri karaa walow fursada uu isagu kusii joogayaa ay ka badantahay mida kabtan Ramos.