Buurta ugu dheer Afrika oo dab ka kacay! – AxadleTM
Buurta ugu dheer ee Qaaradda Afrika (Kilimanjaro) ee Dalka Tanzania waxaa ka kacay dab ay sheegeen dadka kunool agagaarka Buurtaas in uu ku dhaliyay welwel nafeed, maadaama ay suuragal tahay in uu gaaro deegaanno horleh.
Waaxda Beeraha lagu nasto Tanzania ee lagu magacaabo (Tanapa) ayaa sheegtay in uu socdo dadaal lagu daminayo dabkaas, si uusan saameyn taban ugu yeelan bilicda buurta oo ah meel loo dalxiis tago.
Holaca dabka & Uurada cirka isku shareertay ayaa laga arkayaa meelo ka baxsan deegaanka, Wargeyska Citizen ayaa dalkaas kasoo baxa ayaa baahiyay muuqaalo iyo sawirro meel fog laga qaaday oo muujinaya ololka dabka.
Lama sheegin sababta dabka kicisay, waxaa kaliya socda gurmad lagu daminayo si kadib loo guda-galo baarista waxa uu ku dhashay dabkaas qabsaday Buurtaan dadka badan u dalxiis tagaan.
Dhirirka Buurka Kilimanjaro waa 5,895 Militar u dhigma (19,340 feet), waxa ay dhacdaa Waqooyi Bari ee dalka Tanzania waxa ay aad ugu dhawdahay xadka dalkaas uu la wadaago Kenya.
Axadle.