LABADA Ciyaartoy Ee Ay Sababtooda Actual Madrid U Xaraashayso Eden

Kooxda caasimada Spain ee Actual Madrid ayaa la xusayaa inay iska iibinayso garabka weerar ee kooxdeeda ee Eden Hazard si ay uga samayso lacagta ay ugu dhaqaaqayso xiddigaha lala xidhiidhinayo ee Kylian Mbappe iyo Erling Haaland.

Xiddiga ree Belgium ayaa ahaa mid ku dhibtooday inuu kasoo dhalaalo Actual Madrid tan iyo markii uu heshiiska 90-ka Milyan ee pound ah ugu wareegay Actual 2019-kii isaga oo dhaawacyo dhibanaha ugu weyn usoo ahaa.

Sidoo kale Hazard ayaa biyo kulul dhex fadhiistay toddobaadkii hore markii lagu sawiray isaga oo la qoslaya qaar kamida xiddigaha kooxdiisii hore ee Chelsea oo markaas uun Actual Madrid wareega afar dhammaadka kaga reebtay Champions League.

Si kastaba, wargeyska Soccer Espana ayaa sheegaya in hadda kaddib aysan Los Blancos Hazard u arag mid lama taabtaan ah isla markaana ay ka samayn karto lacagta mashruuceeda xiga.

Go’aanka cusub ee ay ka qaateen Hazard ayaa ah mid dabka kusii shidaya wararka la xidhiidhinaya Mbappe oo PSG ka tirsan iyo Haaland oo hormood u ah Borussia Dortmund ahna xiddigaha loogu doonista badan yahay wakhtigan.

Actual Madrid ayaan si toos ah suuqa u dhigi doonin Hazard balse dhagaysan doona wixii dalabaad ah ee lag soo gudbiyo inta suuqu furan yahay.

Hal qoddob oo saamayn kara arrimaha Hazard ee Madrid ayaa ah mustaqbalka tababare Zinadine Zidane, tababaraha French-ka ah ayaa taageere weyn u ah xiddigaas isla markaana haddii uu baxo isagana ku hoggaamin kara bixitaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More