Xigasho: Beesha Caalamka iyo Rooble waxay ku heshiiyeen laba qodob – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in wakiilo ka socda beesha caalamka ay shalay kulan la qaateen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay ka wada hadleen laba arrimood oo la xiriira doorashooyinka iyo amniga Soomaaliya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa u sheegay R / wasaare Rooble in khudbada Madaxweyne Farmaajo kadib ay kala hadli doonaan oo kaliya doorashada iyo amniga, isla markaana ay masuuliyadeeda qaadi doonaan wixii fashil ku yimaada doorashada Soomaaliya. Maamul goboleedyada.

Xogta aan helnay waxay muujineysaa in Beesha Caalamka ay kula talisay Rooble inuu shaqadiisa qabsado oo uusan faragalin Villa Soomaaliya, taasi oo horseedi karta fashil kale oo ka dhaca Soomaaliya.

Safiirada ka socda wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo ururada caalamiga ayaa balan qaaday inay ka taageeri doonaan R / wasaare Max’ed Xussein Rooble dhamaan arimaha la xiriira doorashada sida dhaqaalaha iyo teknolojiyadda.

Tani waxay horumar weyn u tahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo la filayo inuu wax ka qabto dhibaatada doorashada ee daba dheeraatay, taasoo aakhirkii horseeday dagaal dhiig badan ku daato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More