Shaxaha Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Villarreal – Arteta Oo Shax Xooggan
Mikel Arteta ayaa shax adag kusoo galay kulanka ay garoonka Emirates Stadium ku qaabbilayaan Villlarreal, lugta labaad ee semi-finalka Europa League.
Tababaraha reer Spain ayaa kaydka kusoo bilaabay weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette oo kasoo laabtay dhaawac, Willian, Gabriel Magalhaes iyo Tierney oo ugu dambayntii kasoo kacay dhaawac.
Weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emeric Aubameyang ayaa hoggaaminaya safka Arsenal, waxaanay iska garab ciyaarayaan Nicolas Pepe iyo Bukayo Saka, halka khadka dhexena ay kusoo wada bilowdeen Martin Odegaard iyo Smith Rowe oo uu garabkooda taagan yahay Thomas Partey.
Granit Xhaka ayaa difaaca bidix ka ciyaaraya maadaama aanu Tierney taam buuxa ahayn, waxaana dhinaciisa kale taagan HectorBellerin, halka Rob Holding iyo Pablo Mari ay difaacyada dhexe yihiin.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood
ARSENAL XI: Leno, Bellerin, Holding, Mari, Xhaka, Partey, Smith Rowe, Odegaard, Pepe, Aubameyang, Saka.
Kaydka: Ryan, Okonkwo, Tierney, Gabriel, Lacazette, Willian, Cedric, Chambers, Nelson, Elneny, Nketiah, Martinelli.
VILLARREAL XI: Rulli, Pedraza, Pau Torres, Raul Albiol, Gaspar, Parejo, Coquellin, Trigueros, Gerrard Moreno, Chukwueze, Alcacer.
Kaydka: Asenjo, Funes Mori, Bacca, Raba, Estupinan, Moreno, Pena, Jaume Costa, Moi Gomez, Pino, Alex Baena, Nino.