RASMI: Jose Mourinho Oo Shaqo Cusub Bilaabay Maalmo Kaddib Markii Laga

Maalmo kooban kaddibu markii ay Tottenham shaqada ka caydhisay, tababare Jose Mourinho ayaa qalinka ku duugay heshiis shaqo cusub ah oo uu durba bilaabay.

Mourinho oo ay da’diisu t ahay 58 jir ayaa November 2019 waxa lavatory magacaabay tababaraha Tottenham isagoo beddelay Mauricio Pochettino oo shaqada laga caydhiyey waqtigaas, waxaase lagu wargeliyey in shaqada laga caydhiyey toddobaad ka hor markii ay kooxdaasi hal guul oo kaliya ka keentay shan ciyaaarood oo isku xiga.

Particular One ayaa la filayaa in uu muddo ka maqnaan doono tababarenimada kubadda cagta, laakiin taas beddelkeeda waxa uu maalin walba haysan doonaa warbaahinta isagoo ku shaqayn doona qaab wariyenimo.

Mourinho ayaa heshiis la galay warbaahinta talkSPORT ee fadhigeedu yahay Ingiriiska, waxaanay wada shaqayn doonaan Laura Woods iyo Simo Jordan oo ay wada falanqayn doonaan ciyaaraha kala duwan ee horyaalka Premier League iyo Euro 2020 oo bilaabmi doono bisha June.

TalkSPORT ayaa shaacisay in Jose Mourinho uu tabin doono barnaamij toos u bixi doona oo loogu magac-daray GameDay iyo sidoo kale barnaamijiyo kale oo subaxnimada soo geli doona, halka kulamadu inta aanay bilaabminna uu soo fadhiisan doono istuudiyaha iyadoo dadka ku xidhan warbaahintanna ay telefoono usoo diri karaan oo uu uga jawaabayo su’aalahooda.

Waxa kale oo talkSPORT ay sheegtay in Mourinho uu tabin doono dhamaan kulamada xulka qaranka England ee Euro 2020, sida ciyaaraha Group-yada xulka Ingiriisku ku jiro, wareega 16ka, wareegga siddeedda oo laba ciyarood ah, semi-finalka oo hal mar ah iyo finalka oo uu waqti hore fadhiisan doono istuudiyaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More