SHANTII Laacib Ee Barcelona Guul-darrada U Keenay, Xiddigii Garoonka

Barcelona ayaa guul-darro 2-1 ah loogu xambaariyey garoonkeeda Camp Nou, waxaana guul-darro lama filaan ah u gadhka u gelisay Granada oo marti u ahayd.

Lionel Messi ayaa qaybtii hore gool u dhaliyey Barcelona oo kubadda maamulaysay, waxaase qaybtii dambe laba gool oo qalbi-jabiyey ka dhaliyey Darwin Machis iyo Jorge Molina.

Goolka dambe ee uu Jorge Molina dhaliyey ciyaarta oo ay ka hadhsan tahay 11 daqiiqadood oo kaliya ayaa ahaa madax uu meel fog kaga toogtay goolka uu waariyaha ka ahaa Ter Stegen oo joojin kari waayey kubbad awood ku socotay.

Guul-darradan ayaa Barcelona ka horjoogsatay fursad ay kula wareegi lahayd horyaalka LaLiga, waxaanay hadda fadhidaa kaalinta saddexaad iyagoo laba dhibcood ka dambeeya Atletico oo horyaalka hoggaaminaysa iyo Actual Madrid oo ay isku dhibco yihiin balse farqiga guulaha kaga horreysa Barca.

Xiddigii garoonka

Dawin Machis oo Granada garabka bidix ee weerarka uga ciyaarayay ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, waxaanu laacibkani qaybtii hore ahaa midka iska taagan oo aan saamayn badan lahayn, laakiin markii lagu soo noqday qaybta dambe ayuu bandhig cajiib ah sameeyey.

Machis oo u dhashay waddanka Venezuela ayaa dhibaato badan ku abuuray Gerard Pique iyo Samuel Umtiti, waxaana ugu dambayntii uu ka dhaliyey goolka barbarraha, ka hor intii aanu Jorge Molina goolka guusha keenin.

Waxa kale oo isaguna amaan badan u qalmaya difaaca dhexe ee Granada ee Victor Diaz oo qiimaynta ay warbaahinta qaarkood sameeyeen ay kuba sheegeen in uu ahaa xiddiga garoonka.

Shantii laacib ee Barcelona guul-darrada u horseeday

Barcelona ayaa ka dhimatay difaaca, waxaanay ogolaadeen in laba gool laga dhaliyo xilli weerarka iyo khadka dhexe ay si fiican u ciyaarayeen.

Samuel Umtiti oo muddo uu kaydka fadhiyey kaddib lagu soo bilaabay ciyaarta ayaa ahaa laacibka ugu liitay dhamaan ciyaartoyda Barcelona ee safkii kusoo bilowday, waxaase aan waxba dhaamin oo isaguna la mid ahaa Sergi Roberto, halka difaacyada kale ee Minguez, Jordi Alba iyo Gerard Pique ay iyaguna ceebaysnaayeen.

Umtiti iyo Sergi Roberto ayaa helay qiimaynta ugu liidatay garoonka oo ahayd darajada 4, waxaana aan waxba dhaamin Pique, Minguez iyo Alba oo iyaguna helay min 5.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Barcelona: Ter Stegen 6, Roberto 4, Mingueza 5, Pique 5, Umtiti 4, Alba 5, Busquets 8, De Jong 7, Ilaix 7, Messi 7, Griezmann 6.

Beddelka: Dembele 5, Trincao 3, Pedri 4.

Granada – Aaron 7, Foulquier 6, Diaz 8, Nehuen 6, German 6, Quini 5, Eteki 6, Yangel 5, Soldado 7, Machis 8, Suarez 6.

Beddelka: Marin 5, Molina 7, Gonalons 6, Vico 5.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More