Barcelona Oo Guul-darro Xanuun Badan La Kulantay Iyo Fursad Ay

Kooxda kubadda cagta  Barcelona ayaa guul-darro xanuun badan loogu xambaariyey garoonkeeda Camp Nou, waxaana 2-1 ku garaacday Granada oo goolasheeda qaybtii dambe heshay.

Barcelona oo haddii ay guuleysan lahayd hal dhibic ku qaban lahayd hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga xilli shan kulan oo kali ahi hadhsan yihiin, ayaa waxay la hormartay gool uu qaybtii hore u saxeexay kabtankooda Lionel Messi, kaas oo niyadda u geliyey xiddigaha kooxdiisa in horyaalku gacantooda ku jiro.

Laakiin qaybtii dambe ayaa lama filaan ku dhacay, waxaana goolka barbarraha la timid Granada daqiiqaddii 63aad, iyadoo uu u dhaliyey Darwin Machis.

Ciyaarta oo ay inteeda badan daadihinaysay Barcelona oo si walba uga awood badnayd kooxda martida ah ayaa waxay Granada ka dhalisay gool labaad iyadoo dhamaadka ciyaartana ka hadhsan yihiin 11 daqiiqadood, waxaana kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Adrian Mari madax ku qabtay Jorge Molina oo goolhaye Ter Stegen u diiday wax fursad ah oo uu ku joojiyo kubadda oo awood badnayd darteed.

Barcelona ayaa heshay fursado ay goolal ku dhalin karaysay, waxaana inta ugu badan dedaalka waday Lionel Messi, Griezmann iyo Gerard Pique oo dhamaadkii isku beddelay weeraryahan aan ka bixin xerada ganaaxa.

Granada oo baqasho la’aan ku ciyaaraysay ayaa waxay adkaysatay difaaca, iyadoo sidoo kalena garbaha ka samaynaysay kubbado weerar rogaal celis ah, waxaanay u diidday Barcelona in ay jabiso khadkeeda difaaca oo ay keento goolka barbarraha.

Barcelona ayaa garoonka ka baxday iyadoo madaxa ay foorarinayaan ciyaartoygeedu, gaar ahaan Lionel Messi, Pique iyo Griezmann, waxaana guul-darradani ay ka dhigan tahay in ay iska lumiyeen fursad ay hoggaanka horyaalka kagala wareegi lahaayeen Atletico Madrid oo laba dhibcood ka horreysa.

Hoggaanka horyaalka ayaa waxa kusii negaatay Atletico Madrid oo haysata 73 dhibcood xilli dhamaadka xilli ciyaareedkana ka hadhsan yihiin shan kulan oo kaliya, waxaana kaalinta labaad fadhida Actual Madrid oo ay min 73 dhibcood leeyihiin Barcelona laakiin labadii guulood ee ay ka gaadhay kooxda reer Catalonia ay ka caawiyeen in ay labaad soo galaan.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta, waxaana guul-darradan soo gaadhay ay dhaawac weyn ku tahay fursaddii ay ugu guuleysan lahaayeen horyaalka LaLiga xilli ciyaareedkan.

Barcelona waxa iskugu xiga laba ciyaarood oo adag, waxaanay Axadda soo socota la ciyaaari doontaa Valencia oo ay u tegi doonto.

Marka ay kala dhamaadaan Valencia, waxay  Barcelona isku diyaarin doontaa ciyaar lagu tilmaamay in ay tahay kulanka go’aaminaya xilli ciyaareedka Barcelona, waxaanay la ciyaari doontaa oo ay martigelin doontaa Atletico Madrid kulanka ku xiga Valencia oo dhici doona Sabtida ay taariikhdu tahay Could 8.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More