Xigasho: Qatar oo ergo usoo dirtay Muqdisho waxayna umuuqataa inay iska fogeyneyso DF
Muqdisho (Axadle) – Dowladda Qatar ayaa dhowaan ergey gaar ah u soo direysa Soomaaliya taasoo qeyb ka ah dadaallada ay ku dooneyso inay miiska wadahadalka ku keento madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday iyo daneeyayaasha siyaasadda, sida ay ogaatay Axadle.
Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed, wakiilka cusub ee Qatar u qaabilsan Soomaaliya Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, oo ahaa ninkii hogaaminayay wadahadaladii uu Mareykanku horkacayay ee lala galay Taalibaan.
Wakiilka cusub oo la magacaabi doono bilowga isbuuca cusub ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona dhamaan dhinacyada siyaasada Soomaaliya iyo wakiilada Beesha Caalamka.
Qatar oo inta badan lagu eedeeyo inay xiriir dhow la leedahay madaxda dowladda Federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ayaa loo arkaa inay ku dhaqaaqeyso qaab dhexdhexaad ah oo ku saabsan dhibaatada dalka ka taagan.
Falanqeeyayaasha siyaasada ayaa rumeysan in talaabada Qatar ay qaaday ay tahay mid wanaajineysa muuqaalka ay Soomaaliya ku laheyd, waxayna rumeysan yihiin in maalmihii Farmaajo ee awooda Soomaaliya ay dhamaad joogaan, si ay ula macaamilaan kuwa isaga kaga dambeeyn doona xukunka.
Waxay ahayd usbuucii la soo dhaafay oo keliya, markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar qoraal ay ku beenisay eedeymaha loo soo jeediyay ee ahaa inay “lacag ku shubay jeebka taliyaha sirdoonka soomaaliya Fahad Yaasiin”.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Qatar ay bixisay $20 milyan sanadkii la soo dhaafay si loogu taageero miisaaniyadda dowladda, iyadoo lagu adkeeyay inaysan jirin lacag madow oo loogu talagalay Soomaaliya
“Qatar waxay kaalin wax ku ool ah ka ciyaareysaa Soomaaliya, taas oo aan ku dadaalayno inaan ka caawinno madax-bannaanida Soomaaliya, xasilloonida iyo horumarka.” Dadaallada iyo booska Qatar waxay la jaan qaadayaan kuwa Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee bahwadaagta la ah beesha caalamka.
Dowlada Qadar oo tan iyo sanadkii 2017 dhaqaale siineysay dowlada Farmaajo, iyadoo ku bixineysa dhaq dhaqaaq ciidan iyo mid siyaasadeed, ayaa hada dooneysa inay u muujiso Beesha Caalamka iyo Mucaaradka inaysan taageero gaar ah u heynin Farmaajo oo waqtigiisa dhamaaday.