Covid-19 ma lagu dari karaa xannuunada Maskaxda? – Axadle
Xannuunka dhanka Maskaxda ku dhaca ayaa kusii kordhay xerada qaxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan dad u badan Soomaali oo wajahaya dhibaato dhanka Caafimaadka, cunto iyo Waxbarashada la’aan!
Boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa Tobaneeyo sanno degen Xeraan, xaaladda ugu daran waa cabsida faafitaanka Covid-19, yareynta Gargaarka Bani aadamnimo iyo xannuunada dhanka Maskaxda ku dhaca oo kiisas la xiriira marar kala duwan la diiwaangeliyay.
Walwalka dhanka nolosha ayaa sabab u ah in maskaxda qofka ay shaqeyso wax ka badan xiliyada xaaladda caadiga ah, dadka qaar ayaa fakirkaas ku keenay xannuun dhanka maskaxdooda ah.
Hay’adda MSF waaxdeeda daweynta ayaa sheegtay in ay isbitaal ku yaalla Xerada Dhagaxley dhigeen 100-ruux oo madaxa ka sheeganaya, si loo daweeyo, maadaama ay u baahan yihiin dawooyinka & la talinta dhanka Maskaxda.
Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay MSF ayaa u sheegay in ay jiraan dad kale oo ka cabanaya xannuun dhanka Maskaxda ah, waxaana tan iyo sanadkii hore ilaa September-2020 la diiwaangeliyay dad u dhaxeeya 505 -766-ruux.
Labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa la diiwaangeliyay kiisas kala duwan, hay’addu waxa sheegtay in aan la yareysan Karin kiisaska gacantooda soo galay, maadaama ay jiri karaan shaqsiyaad kale oo sidaas u xannuunsanaya.
Hay’adda Cunnada Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WFP ayaa dhintay raashinka gargaar ee la siiyo dadka kunool Xeradaan 40%, xayiradda waddamada ee kahortagga cudurka Covid-19 ayaa sabab u noqotay in isu socodka kormeerka hay’adaha uu yaraado iyo dhibaatooyin kale oo dhanka niyad-jabka ah.
Kenya ayaa marar kala duwan ku gaca-jugleysay in ay irdaha isugu dhufaneyso Xeryaha Qaxooti, halka Soomaaliya dib loogu soo celiyay qaar kamid ah qoysas muddo dheer halkaas kunoolaa, kadib markii safarkooda loo fududeeyay.
Axadle.