Tobanka Kooxood Ee Ugu Koobabka Badan Taariikhda Kubadda Cagta

Tottenham oo muddo 13 sannadood ah aan wax koobab ah ku guuleysanin ayaa ka mid noqotay kooxaha ugu koobabka badan taariikhda kubadda cagta Ingiriiska, waxaanay ku jirtaa kaalinta lixaad ee liiska kooxaha ugu koobabka badan.

Spurs ayaa marka la isku wada geeyo koobabkii ay ku guuleysatay, waxay tiradoodu noqonayaan 26 koob.

Manchester Metropolis oo shalay hanatay tartanka EFL Cup/Carabao Cup ayay hore isku mid u ahaayeen Tottenham, waxayse ku dhaaftay koobka ay shalay ku guuleysatay, iyadoo yeelatay 27 koob.

Metropolis oo sannadkii 2008 uu iibsaday Sheikh Mansour ayaa waxay muddadaas 14ka sannadood ah ku guuleysatay 14 koob, kuwaas oo sii kordhiyey tirada koobabkeeda, iyadoo hore u haysatay kaliya 14koob.

Chelsea ayaa iyaduna liiska tobanka kooxood ee ugu koobabka badan ku jirta iyadoo haysata 31 koob, halka Arsenal oo ah kooxda saddexaad ee ugu koobabka badan ay hanatay 48 koob.

Liverpool ayaa labaad fadhida, waxaana intii ay dhisnayd ay ku guuleysatay 66 koob, iyadoo koobabkeeda ugu badanna hanatay intii ka horreysay sannadkii 1990kii.

Manchester United oo casriga dahabiga, koobabka iyo guuluhu u bilowdeen intii uu Sir Alex Ferguson ayaa ku guuleysatay isku-geyn 67 koob.

Tobanka kooxood ee ugu guulaha badan Ingiriiska

10. Nottingham Forest (13)

9. Newcastle United (14)

8. Everton (24)

7. Aston Villa (25)

6. Tottenham Hotspur (26)

5. Manchester Metropolis (27)

4. Chelsea (31)

3. Arsenal (48)

2. Liverpool (65)

1. Manchester United (66)

Your browser doesn’t assist the audio factor.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More