Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Manchester United Barbarraha La Gashay

Manchester United ayaa iska lumisay fursad ay kusoo gaabin lahayd farqiga dhibcaha ay Manchester City ku hayso hoggaanka horyaalka Premier League, kaddib barbarro goolal la’aan ah oo ay la gashay Leeds United.

- Advertisement -

Manchester United oo haddii ay heli lahayd saddexda dhibcood farqiga City ka dhigi lahayd siddeed dhibcood, isla markaana dib uga dhigi lahayd waqtiga ay ku guuleysanayso horyaalka, ayaa waxay awoodi weyday in ay jabiso darbiga difaaca ee Leeds usoo diyaarsatay.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Leeds United ayaa rikoodhe laga diiday, waxaanay Man United noqotay kooxdii saddexaad ee weyn ee isku xiga ee ay dhibco ka heleen.

Manchester City ayay kasoo badiyeen, waxaanay barbarro ku qabteen Liverpool iyo Manchester United oo ugu xigay.

Xiddigii garoonka

Mason Greenwood ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka iyadoo uu dhamaan waqtigii ciyaarta ahaa khatar ay waajahaysay Leeds United. Laacibkan ayaa helay qiimaynta ugu sarraysay dhamaan ciyaartoyda labada kooxood, mana jirin laacib la mid ahaa.

Laacibiintii ugu liitay

Weeraryahanka David Bamford ee ay goolasha ka sugaysay Leeds United ayaa ahaa kan ugu liitay dhamaan ciyaartoyda labada kooxood, waxaanu ahaa maqane jooga oo xataa hal kaadh oo digniin ah ku qaatay gardarro uu sameeyey.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Leeds: Meslier (7), Ayling (7), Llorente (6), Struijk (6), Alioski (6), Phillips (7), Helder Costa (6), Dallas (6), Roberts (6), Harrison (6), Bamford (5).

Beddelka: Koch (n/a), Poveda-Ocampo (n/a),Klich (6).

Man Utd: Henderson (6), Wan Bissaka (7), Lindelof (7), Maguire (6), Shaw (7), McTominay (6), Fred (6), Greenwood (8), Bruno Fernandes (7), James (6), Rashford (7).

Beddelka: Pogba (6), Cavani (n/a), van de Beek (n/a).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More