Arsenal Oo Bedelka Odegaard Heshay, Chelsea Oo Laba Weeraryahan

Manchester United iyo Arsenal ayaa kamid ah kooxaha indho indhaynta ku samaynaya xaalada weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Alassane Plea oo 28 sano jir ah. (Mail)

- Advertisement -

Manchester United ayaa heshiis cusub ka saxeexanaysa daafaca bidix ee kooxdeeda ee Luke Shaw iyaga oo ka abaalmarinaya qaab ciyaareedkiisa fiican ee xilli ciyaareedkan. (Star)

Weeraryahan Edinson Cavani ayaa heshii kordhin hal sano oo kale ah kala hadlay tababare Ole Gunnar Solskjaer balse kusii dhawaanaya inuu iskaga baxo Old Trafford. (Mirror)

Inter Milan ayaa wali doonaysa inay la saxeexato weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero balse wali Barcelona ayaa ah kooxda ugu cad cad saxeexiisa. (Tuttosport, via Sun)

Ajax ayaa daafaca bidix ee kooxdeeda ee Nicolas Tagliafico oo 28 sano jir ah ku iibinaysa 13 Milyan oo pound, Leeds United, Man City iyo Inter Milan ayaa dhamaantood isha ku haya. (Mail)

Qoyska iska leh Man United ee Glazer ayaa lacag 4 Bilyan oo pound ah ku xidhay iibka kooxdaas iyaga oo u sababaynaya inay kooxdoodu dhammaan kooxaha kale ee dunida ka dakhli badan tahay sababtoo ah jamaahiirta badan ee ay daafaha dunida ku leedahay. (Mirror)

Manchester United ayaa goolhayaha Aston Villa ee Tom Heaton oo 35 sano jir ah isha ku haysa haddiiba Sam Johnstone oo 28 sano jir ah haatana u ciyaara West Brom uu diido kusoo laabashada kooxda uu kuliyadeeda kasoo baxay. (Sun)

Paris St-Germain agaasimaheeda ciyaaraha ee Leonardo ayaa sheegay inaysan kooxdu wax deg-deg ah ugu jirin inay heshiis cusub ka saxeexato Neymar Junior. (Goal)

Chelsea ayaa doonaysa inay weeraryahan cusub la saxeexato suuqa xagaaga sanadkan, Erling Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan iyo hoggaamiyaha Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa bar-tilmaameedyadooda ugu horreeya ah. (Sun)

Daafaca dhexe ee kooxda Villarreal ee Pau Torres ayaa asxaabtiisa talo ka weydiistay suurogalnimada uu ugu biiri karo Manchester United.. (Manchester Evening News)

Arsenal iyo West Ham United ayaa isha ku haya saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Lyon ee Joachim Andersen oo Fulham qaab amaah ah kula jooga. (Mirror)

Weeraryahanka ree Talyaani ee Moise Kean oo amaah ugu maqan PSG ayaan meesha ka saarin fursada uu mustaqbalka ugu laaban karo kooxdiisii hore ee Juventus. (Goal)

Arsenal ayaa dib usoo noolayn karta xiisaha ay u qabtay 24 sano jirka Borussia Dortmund ee Julian Brandt iyaga oo ka cabsi qaba inuu aad ugu qaaliyoobo heshiiska ay Martin Odegaard si rasmi ah ugagala wareegi karaan Real Madrid (Bild, via Express)

Manchester City ayaan deg-deg amaah ugu diri doonin 17 sano jirka ree Brazil ee Kayky oo ay dhawaan la wareegeen, waxa uu fursad u heli karaa kasoo muuqashada kooxda koowaad. (Athletic, subscription required)

Barcelona ayaa lacag 44 Milyan oo pound ah ku xidhay iibka 23 sano jirkeeda Ousmane Dembele oo lala xidhiidhinayo Liverpool, Man United iyo Juventus. (Sport – in Spanish)

Juventus ayaa mushahar aad u badan kusii jiidanaysa goolhayaha AC Milan ee Gianluigi Donnarumma oo 22 sano jir ah isla markaana heshiiskiisa Milan dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Corriere dello Sport)

AC Milan ayaa xilli horeba goolhayaha 25 sano jirka ah ee ree France ee Mike Maignan u dooratay bedelka Donnarumma.(Calciomercato – in Italian)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More