Weerar lagu diley gudoomiyihii Leego iyo askartii kale ee Wanlaweyn

Wanlaweyn (Axadle) –Magaalada Wanlaweyn ee gobolka Sh / hoose waxaa caawa lagu dilay gudoomiyihii deegaanka Leego iyo qaar kamid ah ilaaladiisa kadib markii gurigooda lagu weeraray.

Koox hubaysan ayaa bambaanooyin ku tuuray guddoomiyihii deegaanka Leego ee degmada Wanlaweyn, halkaas oo ay ku dhinteen isaga iyo laba askari dhowr kalena waa lagu dhaawacay.

Saraakiisha Maamulka Degmada Wanlaweyn ayaa Axadle u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Gucdur waxaana magaalada ka bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay weerarka.

Ma jirto cid loo soo qabtay weerarka mana jirto cid wali masuuliyada iska saartay.

Bishii Ogosto 2, 2020, weerar kan lamid ah oo habeenkii ka dhacay degmada Wanlaweyn waxaa lagu dilay ku-xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmadaas Maxamed Cabdullaahi Koosto ka dib weerar lagu qaaday gurigiisa oo lagu dhaawacay xubno ka tirsan qoyskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More