Eeg: DF oo ka jawaabeysa qaraarada AU

Muqdisho (Axadle) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay qaraar uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ku saabsan xaaladda ka dhalatay doorashadii Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo mid ka mid ah go’aamadii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, laakiin uu ka soo horjeestay labo.

Dubbe wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan qodobka ah in Midowga Afrika uu ergay gaar ah u soo magacaabo Soomaaliya si uu u dhexdhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, taasoo uu sheegay inay ahayd soo jeedin ka timid Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka soo horjeeddo Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo cambaareynaya muddo kordhinta uu baarlamaanka u sameeyay hay’adaha dowladda iyo madaxweynaha.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay sidoo kale ka soo horjeedo qodobka ah in ciidamada AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dubbe wuxuu sheegay in labada sharci ay ka hor imaanayaan madaxbanaanida Soomaaliya, ayna taageerayaan Kenya iyo Jabuuti.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More