Xigasho: Imaaraadka oo gaadiid dagaal kala soo degaysa garoonka diyaaradaha Boosaaso
Boosaaso (Axadle) – Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa ugu deeqday Puntland gaadiid dagaal oo laga soo dejiyey magaalada Boosaaso toddobaadkan, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay.
Baabuurtan oo tiradooda lagu qiyaasay 30 ayaa la sheegay inay yihiin nooca Cabdi Bile ee ay Soomaalidu u taqaano inay qaadaan hub culus sida aan xogta ku helnay.
Maamulka Madaxweyne Saciid C / laahi Denis ayaa xoojinaya awooda ciidamada Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in hadii Farmaajo loo ogolaado muddo kordhin labo sano ah inuu dagaal ka geli karo Puntland. Mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka oo daacad u ah Farmaajo ayaa horey ugu hanjabay inuu la wareegayo Puntland.
Qadar iyo Imaaraatka carabta waxaa ka dhaxeeya loolan siyaasadeed oo ay ku taageerayaan dowlada dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.
Qatar hadda waa dowladda bixisa lacagta Farmaajo ee muddo kordhinta, oo ay laaluusho Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, oo ka baqaya inay ka hor yimaadaan muddo kordhinta, si ay isaga aamusiyaan.
Qadar waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay la shaqeyso kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya isla markaana ay door ku leedahay falalka argagixisada qaarkood, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska New York Times bishii July ee sanadkii 2019.
Sida ay qortay jariidada New York Times, wareysi taleefan oo lala yeeshay wargayska ayaa la yeeshay Khalifa Kayed al-Muhanadi isagoo u sheegaya safiirka Qatar ee Soomaaliya, Hassan bin Hamza Hashem, “Waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilka.” “
Al-Muhanadi wuxuu sheegay in duqeymahan la fuliyay “si loogu qasbo Imaaraatka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.”
Qatar way beenisay eedeymahaas.