Barcelona Oo Xiddig Weyn Bilaash Ku Helaysa, Dortmund Oo Bedelka

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay inuu fahmayo sababta uu Tammy Abraham werwerka iyo cadhada uga qabo xaaladiisa kooxda oo uusan kasoo muuqan tan iyo Febuary 20 isla markaana lala xidhiidhinayo dhinaca West Ham United. (Mail)

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa sheegay in kooxuhu aysan awood u yeelan doonin inay la saxeexdaan Kylian Mbappe iyo Erling Haaland la’aanta Super League. (El Larguero, via Goal)

Wolves ayaa bilawday raadinta bedelka tababare Nuno Espirito Santo haddiiba uu 47 sano jirkaasi ka tago kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan (Mail)

Xiddiga Arsenal ee Willian oo 32 sano jir ah ayaa sheegay inuu leeyahay rabitaan ah inuu ka ciyaaro Maraykanka balse kaddib marka uu koobab kula guuleysto Gunners. (Goal)

Tottenham Hotspur ayaa la xidhiidhay tababaraha 55 sano jirka ah ee kooxda Athletic Bilbao ee Marcelino iyaga oo raadinaya bedelka Jose Mourinho oo ay Isniintii caydhiyeen. (Athletic – subscription required)

Leicester City iyo Arsenal ayaa labaduba xiiso u muujiyay doonista saxeexa khadka dhexe ee Samuele Ricci oo ka tirsan kooxda Serie B-da Talyaaniga ka ciyaarta ee Empoli. (Tuttomercato – in Italian)

Chelsea, Atletico Madrid, Juventus iyo Tottenham ayaa dhammaantood xiisaynaya saxeexa 20 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Palmeiras ee Gabriel Menino. (Calciomercato – in Italian)

Juventus, Roma, AC Milan iyo Napoli ayaa iyaguna doonaya saxeexa 19 sano jirka kooxda Santos ee Kaio Jorge oo weeraryahan ah (Calciomercato – in Italian)

Barcelona ayaa bilawday wadahadalada ay ku doonayso saxeexa 27 sano jirka kooxda Lyon ee Memphis Depay oo ay qaab bilaash ah ku qaadan karaan xagaaga. (Esport3 – in Spanish)

Heshiiska uu David Alaba ugu wareegayo Real Madrid ayaa ku qasbi karta Raphael Varane inuu kooxdaas iskaga tago xilli Man United lala xidhiidhinayo. (Manchester Evening News)

Borussia Dortmund ayaa u dhaqaaqi karta saxeexa weeraryahanka Eintracht Frankfurt ee Andre Silva haddiiba uu xagaaga ka tago Erling Haaland oo kooxo badani doonayaan. (Bild)

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa sheegay in wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya Cristiano Ronaldo ay yihiin kuwo ay sameeyeen shaqsiyaadka xiddigaas ku dhaw dhaw. (El Larguero)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More