UGU DAMBAYN: Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Isku Koox Noqonaya
Lionel Messi iyo Cristaino Ronaldo ayaa ugu dambayn isku koox noqon doona, taageereyaashuna ay arki doonaan iyagoo xidhan garamo isku mid ah, hal marna ugu soo wada bilaabanaya koox.
- Advertisement -
Xiddigaha reer Portugal iyo Argentina ee Ronaldo iyo Messi oo in badan kusoo xafiiltamay garoomada, gaar ahaan waqtiyadii ay Real Madrid iyo Barcelona kala matalayeen ayaa waxa uu xafiiltankoodu kusoo dhamaan doonaa hal koox oo ay u wada ciyaari doonaan.
Carlos Tevez oo qorshaynaya in uu dhowaan ciyaaraha ka fadhiisto ayaa waxa uu damacsan yahay in loo sameeyo ciyaar sagootin ah oo ay kusoo ururaan xiddigaha ugu waaweyn dunida oo ay qaarkood hore uga fadhiisteen ciyaaraha.
Xiddigaha uu Carlos Tevez doonayo in ay sagootintiisa qaybta ka noqdaan ee ciyaar-sharafeedka ku sagootinaya, ayaa waxa qayb ka noqon doona Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Wayne Rooney oo intoodaba uu kasoo garab ciyaaray, kuwaas oo uu ku soo darayo Sergio Aguero oo Manchester City ah.
37 jirkan ayaa u sheegay idaacadda Radio La Red ee waddanka Argentina, ciyaartoyda uu doonayo in ay kulan sharafeedka lagu sii sagootinayo qaybta ka noqdaan, waxaana qaarkood ay yihiin kuwo garoomada ka baxay waqti hore, sida Patrice Evera, Andrea Pirlo iyo Rio Ferdinand.
Ciyaaryahannada uu magacyadooda shaaciyey oo ah kuwii ay garoomada kasoo wada ciyaareen ee heer kooxood amaba qaran ayaa waxa uu yidhi: “Haddii aan koox xulanayo, waxay noqon doontaa: [Gianluigi] Buffon, Hugo Ibarra, Rio Ferdinand, Gabriel Heinze, Patrice Evra, Andrea Pirlo, Paul Scholes, Paul Pogba, Cristiano [Ronaldo], Leo Messi iyo Wayne Rooney.”