Kulliyadda Da’yarta Arsenal Oo Albaabada Loo Laabay Kaddib

Arsenal ayaa albaabada u laabtay xarunteedii kulliyadda da’yarta ee Hale End kaddib markii xubno ka mid ah shaqaalaha laga helay xanuunka Korona Fayras.

Sida uu qoray wargeyska The4 Athletic, qof kasoo safray dibedda ayaa ku laabtay xarunta akaademiyadda Arsenal ka hor intii aanay soo bixin natiijada baadhitaankii lagu sameeyey, waxaana ay taasi keentay in shaqsiyaad kale uu xanuunku ku dhaco.

Baadhitaano xalay fiidkii lagu sameeyey shaqsiyaadka looga shakiyey xanuunkan, ayaa waxay keentay in Arsenal ay xidho xarunteeda Hale End ee ay ku jiraan ciyaartoyda da’yarta ah ee loo carbinayo inay usoo dallacaan heerka koowaad.

Lix ka mid ah shaqaalaha ayaa karantiil la geliyey markii laga shakiyey, si looga hortago in akaademiyadda uu xanuunkani ka dillaaco.

Warku wuxuu intaa ku daray in kooxdu ay hadda dib ugu laabanayso kaamirooyinka ku xidhan xarunta ee CCTV si loo ogaado shaqsiyaadka kale ee xidhiidhka la lahaa lixda xubnood oo la go’doomiyey.

Arsenal ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku tidhi: “Waxa aanu xaqiijinaynaa in xubin shaqaalaha Akaademiyadda Hale End laga helay KOOFID-19.

Arsenal ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku tidhi: “Waxa aanu xaqiijinaynaa in xubin shaqaalaha Akaademiyadda Hale End laga helay KOOFID-19. Natiijada baadhitaanka ayaa soo baxday 5pm (Waqtiga UK ee Arbacadii) waxaana isla markiiba uu xubintani ka baxay xarunta isagoo galay karantiil nafsi ah.

“Waxa kale oo karantiil la geliyey lix xubnood oo kale oo shaqaalaha ah, waxaana tallaabo tallaabo loola soconayaa xarunta oo dhan.”

Waxa kale oo ay Arsenal xustay inay baadhitaan ku samaynayaan CCTV-ga garoonka ku xidhan oo ay eegayaan ciddii kale ee timid garoonka tababarka oo si rasmi ah loo xidhayo Khamiista maanta.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More