Waa Kuwan LABADA Xiddig Ee Tottenham Ka Tirsan Ee Sababta U Ahaa Shaqo
Sida ay sheegayaan xogo cusubi, tababaraha Portuguese-ka ah ee Jose Mourinho ayaa shaqada tababarenimo ee Tottenham shalay looga caydhiyay sababo la xidhiidha kacdoon ay sameeyeen qaar kamida xiddigaha kooxdu gaar ahaan hoggaamiyaha kooxdaasi ee Harry Kane iyo kabtan Hugo Lloris oo ahaa kuwo aan faraxsanayn.
- Advertisement -
Jose ayaa laga saaray albaabka Spurs waxaana caydhintiisa shaaciyay guddoomiyaha kooxdaas ee Daniel Levy xilli ay kooxdu booska toddobaad ka joogto miiska kala sarreynta Premier League iyadoo West Ham, Chelsea iyo Liverpool dhammaan ay kaga horreeyaan kaalmaha Champions League loogu soo baxo.
Warbixin rasmi ah oo ay shalay kooxdu ku shaacisay shaqo ka caydhinta tababarihii hore ee Chelsea iyo Man United, mulkiile Daniel Levy ayaa sheegay inuu ka qoomamaynayo go’aanka uu ku caydhinayo Mou oo uu amaanay.
Laakiin sida uu sheegayo wargeyska The Sun, waxa jiray in mudo ah kacdoon dhinaca qolka labiska ah kaas oo ugu dambayn galaaftay shaqada Mourinho.
Xiddigo dhawr ah oo ka tirsan Tottenham ayaa la sheegayaa inay kulamo la qaateen Daniel Levy iyagoo uga cawday tababaraha iyo hanaanka uu kooxda u maamulo.
Xiddigaha Spurs ayay warbixintu sheegaysaa inay si gaar ah uga cadhoodeen markii uu Special One iyaga ku eedeeyay guuldarradii xanuunka badnayd ee ay ugaga hadheen UEFA Europe League gacmaha Dinamo Zagreb.
Spurs ayaa kulankaas tagay Croatia iyagoo ciyaartii hore 2-0 ku guuleystay balse lagaga soo adkaaday 3-0, guddoomiye Levy ayaa go’aanka caydhinta Jose gaadhay kaddib markii xataa xiddigihii daacada u ahaa macalinkaasi oo ay ugu horreeyaan Harry Kane iyo Hugo Lloris ay cabasho ka muujiyeen.
Your browser does not support the audio element.