Barcelona Iyo Real Madrid Oo Ka Baxay Tartanka Erling Haaland &

Labada kooxood ee reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa ka baxay tartanka loogu jiro weeraryahanka reer Netherlands ee Erling Haaland, kaddib markii ay soo baxday mushaharka uu dhab ahaan u doonayo in uu sannadkii ka helo kooxda yuu u saxeexayo.

- Advertisement -

Real Madrid iyo Barcelona oo uu taabtay dhaqaale burburka ku yimid dunida, ayaan awoodi karin in ay bixiyaan mushaharka uu laacibkani dalbanayo oo dhan €35 milyan oo Euro, kaas oo ay sii dheer tahay lacagta ay Borussia Dortmund ku iibinayso iyo lacago kale oo waali ah oo ay doonayaan wakiilkiisa Mino Raiola iyo aabbihiI.

20 jirkan oo ay kooxo badan raadinayaan, laguna tilmaamo hantida ugu qiimaha badan ee suuqa taalla waqtigan ayaa waxa toddobaadyo ka hor uu xuddun u noqday hadal-haynta suuqa, kaddib markii Mino Raiola iyo Alf Inge Haaland ay safaro ku tageen Spain, lana kulmeen Barcelona iyo Real Madrid.

Kulamo ay la yeesheen agaasimaha ciyaaraha Real Madrid ee Jose Angel Sanchez iyo Joan Laporta ayaa waxay iskula soo qaadeen mushaharka uu laacibkani doonayo, lacagta dillaalka ah ee ay labadoodu doonayaan iyo shuruudaha kale ee ku xidhan saxeexiisa.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegeen, Real Madrid iyo Barcelona ayaa ka gaws adaygay mushaharka laacibkan ee €35 milyan ee Gini ah oo ay afkooda ka qaadeen Mino Raiola  iyo Alf Inge, taasina waxay meesha ka saaraysaa xiisihii ay u qabeen.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo toddobaadkan dib loo doortay ayaa doonaya in uu dib u dhis ballaadhan ku sameeyo kooxda xagaagan iyo midka xiga, laakiin qorshaha uguma jirto in uu qasnaddiisa u jabiyo Erling Haaland oo uu lacag intaas le’eg ka bixiyo.

Waxa kale oo iyaguna tartanka toos uga bixi doona kooxo kale oo Premier League ka ciyaara oo markii hore danaynaysayay in ay lasoo saxeexdaan xiddigan.

 

Your browser does not support the audio element.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More