Shaxdii Kooxdii Ugu Fiicnayd Champions League Toddobaadkan, Laba

Shabakadda caanka ku ah ururinta xogaha kala duwan ee kubadda cagta ee Whoscored ayaa soo saartay shaxda ay u dooratay midii ugu fiicnayd UEFA Champions League kulamadii xalay iyo habeen hore ee ahaa lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League.

Shaxdan oo ay xiddigaha ugu badan ku yeesheen Real Madrid iyo Bayern Munich ayuu goolhayaheedu yahay Thibaut Courtois oo xalay badbaadino cajiib ah ka sameeyay kulankii ay bar-bardhaca goolal la’aanta ah kusoo galeen gegida Anfield.

Labada daafac dhexe ee shaxdan oo labaduba Bayern ah ayaa kala ah Lucas Hernandez iyo Jerome Boateng oo uga dhaartay Paris Saint-Germain inay shabaqooda gaadho halka labada daafac garab ay yihiin Valverde oo xalay doorkaas uga ciyaarayay Real Madrid iyo Sanusi oo FC Porto ka caawiyay guul ay ka gaadhay Chelsea walow ay hadhay.

Afarta khad dhexe ee shaxdan ayaa kala ah mashiinka Chelsea ee Jorginho, Casemiro oo loo doortay xiddigii kulankii xalay dhex maray Liverpool iyo Real Madrid, Phil Foden oo goolka guusha markale kasoo dhaliyay Borussia Dortmund iyo Leroy Sane oo PSG qaab fiican kala hortagay.

Labada weeraryahan ee shaxdan ayaa kala ah Kevin De Bruyne oo asal ahaan khad dhexe ah balse weerar uga ciyaarayay City xalay iyo Neymar Junior oo ahaa xiddigii ugu fiicnaa kulankii dhex maray PSG iyo Bayern Munich.

Shaxda Oo Sawir Ah

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More