Somaliland ayaa hadal la yaab leh ka sameysay muddo kordhinta Farmaajo

Hargeysa (SLpost) – Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay maanta soo saartay war rasmi ah oo ay kaga hadlayso xaaladda siyaasadeed ee sii xumaanaysa ee ka jirta Soomaaliya, ka dib markii ay meel mariyeen qaraar Golaha Wakiillada.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu muujiyay walaaca ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ugu yeereen “waddanka deriska ah”, gaar ahaan khilaafaadka madaxbannaan ee u dhexeeya hoggaamiyayaasha mucaaradka iyo musharrixiinta in muddo ah.

Ismari waaga siyaasadeed ee maanta jira wuxuu cadeyn u yahay dulmiga iyo hogaaminta Taliska Farmaajo, oo khatar weyn ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka oo suuragal ka dhigi karta inay Soomaaliya gasho dagaal sokeeye oo hor leh, ayaa lagu yiri qoraalka

Waxay ku qasbi kartaa kumanaan rayid ah inay u qaxaan wadamada jaarka oo ay ku jirto jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka reer Muqdisho inay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida Axadle.

“Waxaan ka codsaneynaa dadka adkaysiga leh ee reer Muqdisho, oo ay ku dhacday xabad is waydaarsiga al-Shabaab iyo kalitalisnimada Farmaajo ee naxariis la’aanta ah iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha, inay ilaashadaan nabadooda iyo xasilloonidooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka Somaliland ayaa sidoo kale soo dhoweeyay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee lagu kordhiyay cunaqabateynta hubka iyadoo beesha caalamka loogu baaqay inay si dhow ula socoto cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya xilligan xasaasiga ah.

Somaliland oo iyadu sheegata inay tahay jamhuuriyad madaxbanaan ayaa isku tilmaamtay inay tahay hogaamiyaha dimuqraadiyada waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xil wareejinta ay si nabad ah uga dhacday wadankeeda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay kasii dareyso, kadib markii ay meel mariyeen Baarlamanka qaraar ku saabsan waqtiga loo kordhiyay Farmaajo, kaasoo mucaaradka iyo Beesha Caalamka ay si weyn uga soo horjeesteen.

Hoos ka aqriso qoraalka

173777600 4237173776316729 6920134140049099617 n

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More