In ka badan toban qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay Balcad

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Sh / dhexe ayaa sheegaya in bas ka yimid magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Jowhar ay miino kula kacday agagaarka tuulada Gololey ee degmada Balcad.

Dadka deegaanka ayaa Axadle u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan toban rakaab ah tiro badana ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ayaa sameeyey howlo samatabbixin kala duwan sii ay uu caawiyaan dadka  ay wax ka soo gareen.

“Afar qof oo baska saarnaa ayaa ayaa dhawac fudud soo garey waxaana loola cararay dhanka Jowhar. Dhimashada wali lama oga, laakiin waa in ka badan toban, ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo sababo amni awgood aan loo magacabi karin magaciisa.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira darawalkii baska

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More