Labada REKOODH Ee Waalida Ah Ee Uu Thibaut Courtois Ku Haysto Anfield
Kahor kulanka Arbacada ay gegida Anfield ku booqanayaan kooxda Liverpool, Real Madrid ayaa haysata sabab ay kalsooni ku dareento waana shabaq ilaaliyaheeda Thibaut Courtois iyo rekoodhka cajiibka ah ee uu ku haysto garoonkaas.
- Advertisement -
Muhiimada uu Courtois u leeyahay Real Madrid ayaa la filayaa inay markale muuqan doonto Arbacada, Real ayaa halkaas u safraysa iyadoo hoggaan 3-1 ah haysata lugtii hore ee ka dhacday gegida Alfredo Di Stefano.
Guud ahaan dhammaan kulamada uu kahor tagay Thibaut kooxda ku ciyaarta gobolka Merseyside ayaa ah sagaal kulan isaga oo afar guulood soo gaadhay, afar kale bar-bardhac la galay halka uu hal kulan guuldarraystay.
Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa u baahanaysa ugu yaraan laba gool si ay u gudubto balse rekoodhka koowaad ee cabsida ku ah ayaa ah in Courtois aan marnaba wax laba gool gaadha lagaga dhalinin Anfield afar jeer oo uu booqday.
Rekoodhka labaad ee goolhayaha ree Belgium ku haysto gegidaas dhibta badan ayaa ah inaan marnaba kulan oo halkaas ku ciyaaray guuldarro soo gaadhin isaga oo saddex mar bar-bardhac kusoo galay halka hal kulan uu guul kala soo laabtay.
October 2015 ayay ahayd markii Chelsea ay soo dhawaysay dhigeeda Liverpool oo Stamford Bridge ku booqatay, ciyaartaas ayay Reds 3-1 ku adkaadeen laakiin Courtois ayaa ahaa mid maqan.
Marka kaliya ee uu Courtois kaga hortagay Liverpool ciyaar laba lugood ah ayaa ahayd afar dhammaadkii Carabao Cup ee sanadkii 2015 markaas oo ay bar-bardhac 1-1 ah kusoo galeen Anfield halka ay 1-0 ku guuleysteen ciyaartii Bridge ee dambe.
Your browser does not support the audio element.