Xiddiga Cusub Ee Arsenal Thomas Partey Oo Warqad Furan U

Xiddiga khadka dhexe Thomas Partey ayaa u qoray warqad furan taageerayaasha Atletico Madrid ka dib markii uu ka tagay kooxda kuna biiray Arsenal xalay oo Isniin aheyd.

Wargeyska AS ayaa qortay in kooxda ay ka carootay sida heshiiska loo dhameystiray madaama midkoodna kooxda ama ciyaaryahanka uu ku wargelin waayay kooxda in la burburinayo qandaraaskiisa.

Taas bedelkeeda, Atletico waxay wargelin ka heshay La Liga kuwaasoo Arsenal ka helay 50ka milyan euro ee lagu burburinayo qandaraaska ciyaaryahanka halka wakiilada xiddiga ay tageen xarunta La Liga si ay u saxiixaan dukumiintiyada.

Atletico Madrid awood uma laheyn inay celiso heshiiska haddiiba lacagta lagu burburinayo qandaraaskiisa la dhigay xarunta La Liga iyadoo kooxda ciyaaryahanka laga qaadanayo aysan wax shaqo ah ku laheyn heshiiska noocaan ah.

Xiddiga reer Ghana ayaa muhiim u ahaa kooxda koowaad ee Atletico Madrid tan iyo xilli ciyaareedkii 2015-16 iyadoo ku biiritaankiisa Arsenal ay dhabarjab weyn ku tahay kooxda kuwaasoo aaminsanaa inuu sii joogayo ilaa iyo xilli ciyaareedkan.

“Taageerayaasha Atletico, maanta waxaan idiin hayaa kaliya ereyo mahadnaq ah” ayuu Partey ku soo qoray bogiisa Instagram.

“Muddo sannado ah, Atletico waxay aheyd gurigeyga, waxaana qeyb ka ahaa qoys mar walba i garab taagnaa.

“Waxaan doonayaa inaan idiin mahadceliyo, madaama aad i muujiseen taageere weyn waqtiga fiican iyo waqtiga xunba.

“Marnaba ma aysan joojinin inay i aaminaan. Atletico Madrid kaliya koox ma ahan waa qoys. Mahadsanidiin”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More